Ma Sidanoo Dhan Ayay Ugu Waalanayaan? Go’aanka Ay PSG Qaadatay Si Ay Champions League Uga Caawiso Oo Kaa Yaabinaya

Advertisements

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa sidii ay mar uun gacanta ugu dhigi lahayd tartanka ugu weyn kooxaha Yurub ee Champions League oo ay tobbankii sano ee ugu dambeeyay dadaal is-daba joog ah ugu soo jirtay.

PSG ayaa haatan qaaday talaabo yaab leh oo kamida dadaalada ay ku doonayso inay xilli ciyaareedka dambe ku hanato Champions League.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe oo kamida kuwa ugu waaweyn France, Paris ayaa shaqaalaysiisay dhakhtar cilmi nafsi ah (Psychologist) si uu uga caawiyo maskaxiyan xiddigaheedu inay hantaan UCL.

Agaasimaha cusub ee dhawaan loo magacaabay PSG ee Luis Campos ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u koraya sidii uu u bedeli lahaa hab fikirka xiddigaha kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

PSG ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday Champions League uga hadhay sababta Real Madrid oo ay lugtii hore 1-0 ku garaaceen balse ciyaartii dambe 3-1 kaga adkaatay.

Magacaabista dhakhtarkaas cilmi nafsiga ah ayaa la filayaa inay kooxda ka caawin doonto dhibaatada maskaxeed ee ka haysata qaybaha muhiimka ah ee Champions League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada