Ma Hubtaa Jawaabtaada? Thiago Alcantara Oo Khadka Dhexe Ee Ugu Wanaagsan Dunida U Magacaabay Xiddig Ka Tirsan Liverpool

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Thiago Alcanta ayaa ka jawaabay mid ka mid ah su’aalihii ugu adkaa, waxaana jawaabta uu bixiyey lagu tilmaami karaa mid aan daacadnimadii dhabta ahayd ku sallaysanayn oo uu kaliya kaga farxinayay ciyaartoy ay isku koox yihiin.

Thiago Alcantara oo Liverpool ay kala soo wareegtay Bayern Munich sannadkii 2020, ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee kasoo baxday kulliyadda da’yarta Barcelona, iyadoo uu Camp Nou kala ciyaaray xiddigaha ay ka mid yihiin Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo Sergio Busquets ka hor intii aanu tegin Munich.

Advertisements

Yaraantiisii ayuu go’aansaday in aanu ku laabanin waddankiisa Brazil oo uu u ciyaaro xulka qaranka Spain, halka walaalkii Rafinha oo ay kasoo wada baxeen kulliyadda La Masia uu isaguna u ciyaaray waddankiisa rasmiga ah ee Brazil.

Diiwaanka kooxda koowaad ee Barcelona waxa ugu jira 68 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo uu u saftay kaa hor intii aanu sannadkii 2013 u wareegin Bayern Munich, halka Liverpool uu ku dhamaystay laba xilli ciyaareed oo uu bandhig heersare ah muujiyey.

Advertisements

Muddadii uu joogay Anfield, waxa uu Thiago ka garab ciyaaray Jordan Henderson, Fabinho, Naby Keita, Wijnaldum iyo ciyaartooyo kale, waxaana mid ka mid ah ciyaartoydan uu u doortay inuu ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu wanaagsan dunida.

Filim Documentry ah oo ay kasoo muuqdeen tababare Jurgen Klopp, Alisson Becker iyo Trent Alexander-Arnold, ayaa Thiago Alcantara oo isaguna qayb ka ahaa lagu weydiiyey sida uu u arko kabtanka kooxdiisa ee Jordan Henderson, waxaanu ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu wanaagsan dunida.

“Waxa uu koox ahaan na siiyaa dardarta iyo firfircoonida ay kooxdu u baahan tahay inta ciyaartu socoto. Ciyaarta oo dhan ayuu dhiiranaan ku wadaa.” Ayuu yidhi Thiago Alcantara.

Waxa uu sii raaciyey: “Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa ee aan arkay intii aan noolaa.”

Advertisements

1 Fekrad

  1. Cabdiwahaab sxb run buu sheegey Alcantera Henderson waa hubaal inuu yahey dhexda ugu fiican dunida waayo wuxuu ciyaaraa xiniinyo iyo dhiig

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada