Ma Aha Van Dijk Iyo Mohamed Salah! Xiddiga Ugu Muhiimsan Liverpool Oo La Magacaabay

Advertisements

Ciyaartoyga ugu muhiimsan Liverpool ma aha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk midkoodna, sida ay muujisay xog  lasoo bandhigay oo ah qiimaynta gudaha garoonka ee ciyaartoyda kooxdaas.

Inkasta oo Mohamed Salah iyo Sadio Mane uu maqnaanshahoodu dhibaato badan ku noqonayo Liverpool, si weyna loo dareemay ciyaartii Arsenal haddana iyaga ma aha laacibka ay kooxdu u jabtay ee marka uu gudaha garoonka ku jiro ay guulo soo hoyso kooxdu.

Advertisements

Warbaahinta Snack Media ayaa qiimayn dhinaca bandhigga ah ku samaysay ciyaartoyda Liverpool oo dhamaystiran, waxaana soo baxday in saddexda ciyaartoy ee ku maqan tartanka qaramada Afrika ee Mane, Salah iyo Keita aanay ahayn kuwa ugu muhiimsan. Waxa kale oo sidooda ah Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk.

Xogtan lasoo bandhigay waxay muujisay in Thiago Alcantara uu yahay ciyaartoyga Liverpool u damaanad-qaada guusha marka ay ciyaarayaan.

Advertisements

Xiddigan reer Spain ayaa sagaal kulan ugu soo bilowday Liverpool xilli ciyaareedkan ka  hor intii aanu dhaawacmin. Sagaalkaas ciyaarood ba way guuleysatay Liverpool.

Lix ciyaarood oo ka dambeeyey oo uu Thiago Alcantara ka maqnaa Liverpool bishii tagtay, Merseyside waxa ku yaraatay farxadda iyadoo garoonka Anfield uu noqday meel aanu ka jirin qosolkii badnaa.

Afar kamid ah lixdaa ciyaarood ayay Liverpool barbarro gashay, waxaana ay guul-darro soo gaadhay ciyaartii Leicester City oo 1-0 lagaga badiyey Reds.

Thiago Alcantara ayay garoomada ugu dambaysay December 16 kulan ay guul weyn kasoo hooyeen Newcastle United, taas oo uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada