“Ma Aanaan Ahayn Kuwo Laga Cabsado Oo Aan La Taaban Karin” – Kylian Mbappe Oo Dhulka La Dhacay Tababarihiisa Mauricio Pochettino

Advertisements

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa weerar ku qaaday tababaraha kooxdiisa PSG ee Mauricio Pochettino, waxaanu si weyn u dhalliilay taatikadiisa ciyaareed oo uu sheegay inay sababay inay lumiyaan sirtii baqashada ee kooxaha kale ay ka qabeen.

Mauricio Pochettino oo 50 jir  ah ayaa la sheegay in PSG ay shaqada ka caydhisay laakiin kaliya shaacinta la sugayo, maalmaha soo socdana si rasmi ah loogu dhawaaqi doono in shaqada laga caydhiyey, iyadoo hadda ay kooxdu diyaarinayso magdhowga ay siinayso tababarahan.

Advertisements

PSG ayaa ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 xagaagan iyadoo 15 dhibcood ka horreysay kooxda kusoo xigta, laakiin waxay si niyad-jab ah kaga hadheen Champions League oo ay Real Madrid ku garaacday wareeggii 16ka bishii March.

Kylian Mbappe oo waraysi siiyey warbaahinta BFMTV ayaa waxa uu sheegay, in intii uu Mauricio Pochettino joogay Paris, in kooxdu ay lumisay baqashadii iyo cabsidii ay kooxaha kale ka qabeen, taasina keentay in lagu soo dhiirrado oo naadiyo ay ka awood badan yihiin ay ka badiyaan.

Advertisements

“Xilli ciyaareedkan ma aanaan ahayn kuwo laga cabssado, sidoo kalena ma aanaan ahayn koox aan laa taaban karin. Waxa aanu doonaynaa in dib usoo laabano oo aanu qabano wax aanaan samaynin labadii sannadood ee ugu dambeeyey.” Ayuu yidhi Kylian Mbappe oo si dadban u weeraray tababarihiisa.

Inkasta oo kooxdiisa aanu xilli icyaareed fiican u ahayn, haddana Kylian Mbappe ayaa soo qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha iyo caawinta badan kooxdiisa.

23 jirkan ayaa bishii hore saxeexay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu kusii joogi doono Parc des Princes, waxaana uu ka sheekeeyey hammigiisa muddada uu heshiiska cusub saxeexay, waxaanu yidhi: “Dabcan, yoolkayagu waa in aanu ku guuleysano Champions League, waana hadafkayaga oo wuu cad yahay. Uma baahnin in aanu liiska gashano ujeeddooyin badan oo aan ahayn Champions League.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada