Liverpool Oo Xaqiijisay In Thiago Alcantara, Alexander-Arnold Iyo Xiddigo Kale Ka Maqnaanayaan Kulanka Man City

Liverpooll
Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xisaabteeda ka saaraysa difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold kulanka adag ee ay Axadda ku qaabbilayso Manchester City oo ugu imanaysa Anfield.

Alexander-Anrold ayuu dhaawac kasoo gaadhay tababarkii Isniintii ee kooxdiisa, waxaanu seegay kulankii Champions League ee FC Porto, hase yeeshee muddada uu maqnaanayo ayaa intan kasii badan.

Advertisements

Liverpooll

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu hubo, in 22 jirkani aanu qayb ka noqon doonin kooxdiisa maalinta Axadda ee ay soo dhoweynayaan Manchester City.

Advertisements

Muxuu Klopp ka yidhi dhaawaca Alexander-Arnold?

Jurgen Klopp waxa kale oo uu xaqiijiyey in laacibka khadka dhexe ee Thiago Alcantara uu ku jiro xaalad soo kabasho oo aanu ciyaari doonin Axadda, taas oo ku keeni doonta xaalad kala-doorasho oo adag.

“Maya, diyaar ma aha Alexander-Arnold iyo Thiago, wayna ka maqnaan doonaan kulanka City, laakiin waxa aan rajaynayaa in labaduba ay soo laaban doonaan inta lagu maqan yahay kulamada caalamiga ah.” Ayuu yidhi Klopp.

Waa kuma ciyaartoyga buuxin doona booska Alexander-Arnold?

James Milner ayaa ka ciyaaray difaaca midig kulankii FC Porto, waxaana uu sidoo kale booskan ka ciyaaray horraantii bishan kulankii  Crystal Palace.

Neco Williams oo 20 jir ah ayaa taam ah oo jooga dibna ugu soo laabtay tababarka kooxda, halka uu Joe Gomez hore uga ciyaaray booskan ka  hor intii aan difaaca dhexe la geynin. Saddexdan ciyaartoy ba way joogaan, laakiin waxa dookh wanaagsan ah Kostas Tsimikas.

Si kastaba, Thiago Alcantara iyo Alexander-Arnold waxa dhaawaca ku wehelinaya Harvey Elliott oo muddo dheer maqnaanaya, waxaase dib usoo laabtay Naby Keita iyo Roberto Firmino.

2 Fekradood

  1. Hadaanahay taageerayaasha reds waa nagu dhaibaato arinkan lkn dookha ugu wanaagsan waa milner

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA