Liverpool Oo Saxeex Cusub Shaacinaysa, Chelsea Oo Ruugcaddaa Heshiis La Gaadhay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Real Madrid ayaa kalsooni weyn ku qabta in saxeexa Kylian Mbappe ay ka heli doonto PSG xagaaga balse 23 sano jirkaas ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa. (Fabrizio Romano)

Barcelona ayaan xiisaynayn in Antoine Griezmann kooxdeeda kusoo laabto haddii Atletico Madrid heshiiskiisa amaahda ah rasmi ka dhigi weydo, Barca ayaa doonaysa weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski. (Cuatro – in Spanish)

Advertisements

Madaxweynaha Bayern Munich ee Herbert Hainer ayaa sheegay in Robert Lewandowski uu kooxdooda heshiis 2023 dhacaya kula jiro.(Sport Buzzer – in German)

Chelsea ayaa heshiis la gaadhay Ivan Perisic oo ay bilaash kagala soo wareegayso Inter Milan. (Sport Mediaset – in Italian)

Advertisements

Barcelona khadkeeda dhexe ee Frenkie de Jong ayaa u muuqda mid diidi doona inuu ku biiro Man United. (Star)

Jude Bellingham, ayaa meel saaray wararka la xidhiidhinaya Man United iyo Liverpool isaga oo sheegay inuu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doono. (Mirror)

Chelsea ayaa isha ku haysa khadka dhexe ee PSV ee Ibrahim Sangare. (Mirror)

Romelu Lukaku ayaa sheegay inuusan qofna u ogolaan doonin inuu isaga u hadlo kaddib markii wakiilkiisu sheegay suurogalnimada uu Inter Milan ugu laaban karo. (Star)

Wakiilka Paulo Dybala ayaa la sheegayaa inuu u duulay magaalada London xilli xiddigiisa lala xidhiidhinayo kooxo Premier League ah oo ay  kamid tahay Arsenal. (Calciomercato via Football Italia)

West Ham ayaa iskaga baxaysa tartanka daafaca Burnley ee James Tarkowski oo ay filayaan inuu Newcastle United ku biiri doono xagaaga. (Mirror)

Liverpool ayaa saxeexa khadka dhexe ee Fulham ee Fabio Carvalho oo 5 Milyan oo pound ugu soo biiraya ku dhawaaqi doonta maalmaha soo socda. (Football Insider)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada