Liverpool Oo Barbarro Iyo Ciyaar Liidata Ku Bilaabatay Horyaalka Premier League, Xilli Darwin Nunez Uu Kaydka Uga Soo Kacay Si Uu Dhibic Ugu Badbaadiyo

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro iyo qaab ciyaareed aad u liita  ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2022-23 ee horyaalka Premier League, waxaanay dhibic dirqi ah kasoo tuugtay kooxda heerka labaad kasoo dallacday ee Fulham oo ay marti ugu ahayd Craven Cottage.

Liverpool oo kulankan ku weyday Thiago Alcantara oo ka dhaawacmay ayaa waxa qaybtii hore goolkaga nixiyey weeraryahanka reer Serbia ee Aleksandar Mitrovic oo madax ku dhamaystiray kubbad uu ka dul-kacay Alexandere-Arnold, halka qaybtii labaadna uu gool u beddelay rikoodhe uu ku galay Virgil van Dijk oo lugta u dhigay markii uu kubbad la galay xerada ganaaxa.

Advertisements

Qaybtii hore oo Liverpool ay kala daadsanayd ayaa waxayla nasatay iyadoo Fulham ay heshay gool, sidoo kalaena ay u qalmaysay in ay ugu yaraan laba gool oo kale la timaaddo.

Mitrovic 1

Hase yeeshee Darwin Nunez oo beddel kusoo galay beddel kusoo galay ciyaarta ayaa u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 64aad, kaddib markii uu cidhib ku dhamaystiray kubbad  uu dhinaca midig ka keenay Mohamed Salah.

Advertisements

Fulham oo ay ciyaarteedu isku xidhnayd, isla markaana khadka dhexe ka qabsatay Liverpool ayaa keensatay gool labaad oo rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Aleksandar Mitrovic daqiiqaddii 72aad, hase yeeshee Mohamed Salah ayaa sagaal daqiiqadood kaddib ka daba yimid oo keenay goolka Liverpool u badbaadiyey dhibicda madiga ah ee ay kulankooda koowaad ee xilli ciyaareedka ka heleen.

Shaxdii ay labada kooxood kusoo galeen

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Robertson, Fabinho, Thiago, Henderson, Salah, Diaz, Firmino.

Kaydka: Adrian, Gomez, Milner, Elliott, Nunez, Carvalho, Bajcetic, Van den Berg, Chambers.

Fulham XI: Rodak, Tete, Ream, Adarabioyo, Robinson, Reed, Palhinha, Pereira, De Cordova-Reid, Kebano, Mitrovic.

Kaydka: Leno, Duffy, Cairney, Solomon, Muniz, Mbabu, Francois, Harris, Stansfield.

Fulham ayaa ciyaarta ku bilaabatay si aad u wanaagsan oo la moodayay in tababare Marco Silva uu fahamsanaa in khadka dhexe oo culayska la saaro ay jabin doonto Liverpool, waxaana bilowgiiba ay diideen in kubbadaha Liverpool ee khadka dhexe ay badhtamaha garoonka dhaafaan.

Andreas Pereira ayaa ayaa dhawr kubbadood oo halis ahaa ka sameeyey khadka dhexe ee Fulham 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, waxaana baas qurux badan oo uu u dhigay Palhinha uu u dhowaaday inuu shabaqa ku hubsado, balse waxa badbaadiyey Joel Matip.

Daqiiqaddii 32aad ayay Fulham hoggaanka ciyaarta ku qabatay kubbad uu Kebano kasoo jabiyey dhinaca midig oo uu madax awood badan ku qabtay Mitrovic oo ka dul-kacay Alexander-Arnold.

Liverpool ayaa kaga jawaabtay gool uu dhaliyey Luis Diaz, hase yeeshee waa laga diiday maadaama ay ku jireen Offside.

Xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz ayaa birta garaacay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0 ay hoggaanka la nasatay kooxda garoonkeeda joogtay ee Fulham.

Markii qaybta labaad lagu soo noqday ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayaa waxa Liverpool ka dhaawacmay Thiago Alcantara oo muruqua bowdada wax ka noqday, waxaanay taasi keentay in Klopp uu sameeyo laba beddel oo uu saaro kubbad-sameeyaha xulka Spain iyo Roberto Firmino waxaana soo galay Harvey Elliott iyo Darwin Nunez oo isbeddel ku sameeyey ciyaarta.

Mitrovic

Weeraryahanka reer Uruguay ee Nunez ayaa daqiiqaddii 64aad gool qurux badan cidhib ugu dhaliyey Liverpool, waxaana uu garsooruhu bilowgii hore geliyey shaki sababay in laga soo fiiriyo VAR maadaama uu Nunez u muuqanayay inuu ku jiro offside, hase yeeshee waa la ansixiyey.

Intaas kaddib Liverpool ayaa gacanta ku dhigtay maamulka ciyaarta iyadoo dhawr kubbadood oo kale oo halis ahaa ay geeyeen xerada ganaaxa ee Fulham.

Darwin Nunez ayaa kubbad uu kala soo galay dhinaca bidix waxa uu la hor tegay goolka balse cidhiidhi ay geliyeen difaaca Fulham ayaa sababay inuu awoodi waayo inuu si fiican u laado kubadda iyadoo goolkuna wax saddex mitir ka yar uu u jiray.

James Milner ayaa khasaariyey kubbad uu Darwin Nunez goolka hortiisa u dhigay, kaddib markii ay isku dhigeen difaacyahannada Fulham oo goolka ka leexiyey kubaddaas.

Darwin1

Daqiiqaddii 72aad ayay Fulham mar kale la wareegtay hoggaanka ciyaarta, kaddib markii uu Virgil van Dijk qalad ku galay Mitrovic oo kubbadda lasoo galay xerada ganaaxa taas oo keentay in garsooruhu uu markiiba tilmaamo in lagu laadayo rikoodhe Liverpool.

Mitrovic ayaa gool u beddelay rikoodhaas, waxaana si weyn u dabbaal-degay jamaahiirta kooxda kasoo dallacday heerka labaad ee Fulham oo soo buuxiyey garoonka.

Mohamed Salah ayaa daqiiqaddii 81aad u keenay Liverpool goolka barbarraha, iyadoo goolka hortiisa uu Darwin Nunez u dhigay kubbad u muuqanaysay inay ka baxsatay balse uu xiddiga reer Masar weydaariyey goolhayaha.

Liverpool ayaa mar kale garaacday birta, waxaanay sidoo kale heleen fursado ay difaaca Fulham ka  diideen inay gool saddexaad kaga dhaliyaan, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-2.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada