Liverpool Iyo Arsenal Oo Ogaaday Qiimaha Ay Real Madrid Ku Iibinayso Marco Asensio

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku wargelisay Liverpool iyo Arsenal qiimaha ay ku heli karayaan xiddiga reer Spain ee Marco Asensio oo la sheegay in uu doonayo inuu ka tago Santiago Bernabeu xagaagan.

26 jirkan ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu kooxda tababare Carlo Ancelotti u saftay 42 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ku darsaday 12 gool oo uu dhaliyey iyo laba uu caawiye ka noqday, balse waxa uu tirsanayay in aanu kulamo badan oo ka mid ah ciyaarahaas uu kursiga kaydka ku jiray oo uu beddel ku yimid.

Advertisements

Qandaraaska uu Marceo Asensio kula jiro Real Madrid ayuu sannad kali ahi ka hadhsan yahay, waxaanay Los Blancos diyaar u tahay in ay iibiso, si aanu sannad kaddib uga tegin si xor ah oo aanay wax lacag ah ka helayn.

Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti ayaa isla qaatay in ay iibiyaan Marco Asensio oo aanay qandaraas cusub u bandhigin maadaama booskiisa garabka midig ee weerarka ay hadda joogaan Rodrygo Goes iyo Fede Valverde, iyadoo sidoo kalena aan la hubin inay kusii ciyaari doonaan saddex weerar ah iyo in uu Ancelotti beddeli doono qaabkiisa maadaama ay haystaan ciyaartooyo badan oo khadka dhexe ah.

Advertisements

Marco Asensio oo ay doonayaan kooxaha Liverpool oo muddo dheer lala xidhiidhinayay iyo Arsenal ayay Real Madrid goysay qiimaha ay ku iibinayso oo ah 25 milyan oo Euro, taas oo loo arko qiime macquul ah oo ay kooxahan ama kuwo kale ee danaynaya sida AC Milan ay awoodi karayaan inay ku iibsadaan.

Sannadkii 2014 ayuu Marco Asensio oo ay da’diisu aad u yarayd uga soo wareegay Real Madrid kooxda reer Spain ee Marco Asensio, waxaanu illaa waqtigaas kula guuleystay saddex Champion sleague iyo saddex horyaal oo LaLiga ah iyo waliba koobab kale oo maxali ah, halka uu 235 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 49 gool, 24 kalena uu caawiye ka noqday.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada