“Lionel Messi PSG Kuma Guuleyn Doono Champions League” – Evra Oo Sharaxay Sababta Uusan Leo CL Ugu Hoggaamin Karin Paris

Advertisements

Daafacii ree France ee Patrice Evra ayaa shaaca ka qaaday sababta uusan Lionel Messi ugu guuleyn karin kooxdiisa Paris Saint-Germain koobka ay mudada dheer baadi-goobaysay ee Champions League.

Evra ayaa aaminsan inay marka hore tahay in Paris ay la qabsato maskaxda-guuleed ee kooxaha waaweyn ee Yurub xilli ay guuldarrooyin Afar dhammaadka iyo Final-ka ah tartankaas kala soo kulmeen labadii sano ee ugu dambaysay.

Advertisements

Walow ay haatan lasoo saxeexdeen Messi oo afar jeer kusoo guuleystay tartankaas, Evra ayaa qaba inay u baahan yihiin dadaal wadareed si ay Champions League u hantaan.

“Waxay shaqaalaysiiyeen Messi, balse isagu maaha midka iyaga ku guuleyn doona Champions League”ayuu ugu horreynba Patrice u sheegay wargeyska Le Parisien oo uu waraysi siinayay.

Advertisements

“Waa mid wadar ah, waa xaalad maskaxeed kooxda oo isku dhan ah, gabi ahaanba maaha wax fudud, anigu waxaan soo ciyaaray shan Final oo afar ayaan soo guuldarraystay.”

Evra ayaa sidoo kale aaminsan in Mbappe uu door weyn ku yeelan doono haddiiba PSG ay Champions League ku guuleysanayso balse uga digay inay tahay inuu kooxda muhiimada koowaad siiyo.

PSG ayaa wareega 16-ka ee Champions League ku aaday kooxda ugu khibrada badan tartankaas ee Real Madrid oo marka laga yimaado inay guud ahaan 13 jeer kusoo guuleysatay sidoo kale haysata ciyaartoy badan oo kamida safkeedii saddexda sano ee xidhiidhka ah soo hantay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada