Lampard, Gerrard, Zidane, Fonseca Mise Conte? Waa Kan Tababaraha Aadka Ugu Dhaw Shaqada Newcastle United

Advertisements

Kaddib shaqo ka caydhintii tababare Steve Bruce ee shalay, waxa sii kululaaday tartanka loogu jiro doorka tababarenimo ee kooxda Newcastle United oo ay dhawaan la wareegeen Bilyaneero uu hormood u yahay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ee Mohamed Bin Salman.

Caydhinta Bruce ayaa ahayd mid meesha taalay isla markii ay hantiilayaashaasi lacagta 305-ta Milyan ee pound ah kula wareegeen Magpies balse waxa la sugsiiyay inuu ciyaaro kulankiisii 1,000 ee waayihiisa tababarenimo walow uu guuldarro kala kulmay Tottenham Axadii.

Advertisements

Bruce ayaa qaatay lacagta 8-da Milyan ee pound ah ee magdhawga ahayd waxaana kooxda hoggaamin doona si kumeel gaadh ah Graeme Jones laga bilaabo kulanka Crystal Palace ee Sabtida.

Haddaba, iyadoo tababarayaal badan lala xidhiidhinayay jagada St’ James Park ayay wararku hadda xusayaa in tababarihii hore ee AS Roma ee Paulo Fonseca uu yahay midka ugu cad-cad inuu la wareego.

Advertisements

Fonseca ayaa haatan shaqo la’aan ah walow la filayay inuu la wareegi doono Tottenham xagaagii kahor intii uusan bur-burin wadahadalakoodii iyadoo kooxda waqooyiga London ugu dambayn la saxeexatay Nuno Espirito Santo.

Fonseca ayaa wali xiisaynaya inuu Premier League u dhaqaaqo kaddib markii uu seegay shaqada Spurs. Sida lagu sheegay shirkadda khamaarka iyo arrimaha saadaalinta ee Betfair fursada Fonseca ayaa ku bilaabantay bishan 50/1 balse 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ayuu kasoo guuray min 9/1 ilaa 1/2 taas oo ka dhigaysa murashaxa ugu horreeya ee shaqada kooxda.

Fonseca ayaa soo joogay Shakhtar Donestk intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2019 wuxuuna saddexdaas xilli ciyaareedba kula soo guuleystay laba koob ee gudaha dalka Ukrain kahor inta uusan Roma u wareegin.

Advertisements

Newcastle 'considering Paulo Fonseca to replace Steve Bruce as ex-Shakhtar  Donetsk and Roma boss targets return'

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA