LAMA FILAAN: Waatan Kooxda Aan Cidina Filayn Ee Uu Gareth Bale Qarka U Saaran Yahay Inuu Ku Biiro

Advertisements

Iyadoo heshiiskii uu kula joogay Real Madrid yahay mid dhacaya dhammaadka bishan ayuu Gareth Bale haystaa dookhyo kala duwan iyo kooxo ay tahay inuu kala doorto.

Kooxda uu haatan aadka ugu dhaw yahay Gareth ayaa ah kooxda dalkiisa Wales ee Cardiff City oo xafiisyadeeda shalay lagu arkay iyadoo la sheegay inuu halkaas tababaraha wadahadal kula yeeshay.

Advertisements

Mulkiilaha Cardiff ee Vincent Tan ayaa ku faraxsan suurogalnimada uu kula soo wareegayo xiddigii hore ee Tottenham balse wali waxba la islama meel dhigin.

Bale ayaa dhawaan ka caawiyay Wales inay gaadhaan koobkoodii aduunka ee ugu horreeyay tan iyo 1958 waxaana uu haatan rabaa koox uu u ciyaaro kahor bilawga tartankaas Qatar ka dhacaya November si uu taam ahaanshihiisa jidh ahaaneed usii wanaajiyo.

Advertisements

Cardiff City ayaa diyaar u ah inay Bale siiso fursadaas, sidoo kale waa magaalada uu dhalasho ahaan kasoo jeedo iyadoo wali qoyskiisu halkaas ku nool yihiin kaas oo ah qoddob kale oo ku dhawaynaya inuu ku biiro.

Bale ayaa Real Madrid oo uu sanadkii 2013 ugu biiray lacag rekoodhka aduunka ahayd oo 101 Milyan euros ahayd ka tagay isaga oo darajada halyeey wata.

Gareth ayaa Los Blancos usoo dhaliyay 106 gool halka uu 67 kale soo caawiyay kaddib 258 kulan oo uu usoo ciyaaray isaga oo kula soo guuleystay shan Champions League iyo saddex horyaal La Liga.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada