Labadii Laacib Ee Ku Dagaalamay Garoonka Tababarka Manchester United Oo La Magacaabay

Advertisements

Labadii xiddig ee Manchester United ee ku dagaalamay horaantii bishaan garoonka tababarka Man United ee Carrington ayaa la magacaabay, waxayna kala yihiin Alex Telles iyo Hannibal Mejbri.

Horaantii bishaan ayaa la shaaciyay in labo ka mid ah xiddigaha Red Devils inay ku dagaalameen garoonka tababarka.

Advertisements

Dagaalka labadaan nin ayaa la fahamsan yahay inuu dhacay ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee 4-0 ee ka soo gaartay Brighton 7dii bishii May.

Tababare Ralf Rangnick ayaa lagu qasbay waqtigaas inuu kansalo tababarka iyadoo ciyaartoyda kooxda ay la yabeen dagaalka labada nin.

Advertisements

Haatan wargeyska Daily Mail ayaa soo ogaaday magacayada labada xiddig ee dagaalkaas uu dhexmaray waana Telles iyo Hannibal.

Hannibal oo 19 sanno jir ah ayaa dhowr jeer lagu soo daray kooxda koowaad ee Man United sannadkan ka dib markii uu wacdarro u dhigay kooxda da’ yarta ee 23 jirada.

Wuxuu kulankiisii ugu horeysay ee Premier League u saftay United kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay ku qaadatay inuu xilli ciyaareedkan dheelo kulankii ay guuldarro 4-0 ku soo gaartay Anfield ee 19kii April.

Qaab ciyaareedkiisa dagaalka ku dhisan ayuu soo bandhigay lixdii daqiiqo ee uu garoonka ku jiray isagoo qaatay kaadhka digniinta ka dib markii uu sameeyay taakalo culus.

Xiddigaan oo 12 kulan u saftay Tunisia ayaa qaab ciyaareedkiisii kulankaas ku waayay inuu fursado kale helo inkastoo uu Gary Neville ku amaanay qaab ciyaareedkiisii Anfield.

Xiddiga khadka dhexe ayaana taakalo sidaas la mid ah ku sameeyay qaar ka mid ah xiddigaha kooxda koowaad, waana sababta keentay inay isku dhacaan daafaca reer Brazil Telles.

Inkastoo ay labadaan nin dagaalameen horaantii bishaan hadana waxay ku soo wada bilowdeen kulankii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka ee ay Man United guuldarro 1-0 kala kulantay Crystal Palace.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada