Labada Shaxood Ee Adag Ee Manchester United Ay Kula Ciyaarayso Brighton & Waxa Laga Yeelayo Cristiano Ronaldo

Advertisements

Manchester United ayaa Axadda la ballansan Brighton oo kusoo booqan doonta Old Trafford waana kulanka koowaad ee ay ku furanayso xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League, taas oo sidoo kalena tababare Erik ten Hag u noqon doonta ciyaartiisii koowaad ee Premier League iyo kulankiisii u horreeyey ee tartan caadi ah ee uu hoggaamiyo Manchester U nited.

Erik ten Hag ayaa laga sugayaa go’aamo waaweyn oo uu qaato bilowga xilli ciyaareedka, waxaana su’aasha ugu hadal-haynta badan ee la isweydiinayaa ay tahay haddii Cristiano Ronaldo uu kusoo bilaaban doono ciyaartan iyo haddii uu kursiga kaydka dhigi doono, kaddib dhalleecayntii uu u mariyey warbaahinta.

Advertisements

Tababaraha reer Netherlands ayaa Ronaldo aan ku farxin waxyaabihii uu sameeyey kaddiib ciyaartii saaxiibtinimo ee Rayo Vallecano oo iyadoo ciyaartu socota uu iskaga baxay garoonka markii kursiga kaydka lasoo fadhiieryy.

Dad badan ayaa ku doodayay in Cristiano Ronaldo uu kusoo bilaaban doono kursiga kaydka, hase yeeshee dhaawac soo gaadhay Anthony Martial ayaa siinaya fursad uu guu soo bilowdo kulankan, waxaanu ka garab ciyaari doonaa Marcus Rashford oo dhinaca bidix ka dheeli doona iyo Jadon Sanncho oo garabka midig  kasoo geli doona.

Advertisements

Ciyaartoyga aanu marnaba booskiisa shakigu ku jirin waa David de Gea kaddib markii uu Dean Henderson amaah ugu tegay Nottingham Forest, waxaana ka horreyn doona Raphael Varane iyo Harry Maguire oo difaaca dhexe ah, taas oo ka dhigan in saxeexa cusub ee Lisandro Martinez uu kursiga kaydka ku jiri doono haddii ay labadan ruug-caddaa caafimaad qabaan.

Difaaca bidix ayay Manchester United ku haysataa laba tartame oo adag, waana Luke Shaw iyo Tyrell Malacia, hase yeeshee waxa loo badinayaa in uu Ten Hag doorbidi doono dhinaca khibradda oo uu Shaw kusoo bilaabi doono.

Difaaca midig ayaa u muuqda mid lagu kala baxay oo uu iska yeeshay Diogo Dalot, waxaana kursiga kaydka beddel suge ku noqonaya Aaron Wan-Bissaka.

Khadka dhexe ayaa sidoo kale muhiim u ah Manchester United, waxaana ciyaarta koowaad la filayaa in Bruno Fernandes uu kusoo bilaaban doono booska No.10, halka Fred iyo Scott McTominay ay iyaguna boosaskooda xajisan doonaan, taas oo ka dhigan in uu Christian Eriksen kursiga kaydka kusoo bilaaban doono.

Dhinaca kale, Erik ten Hag ayaa ka fikiri kara shax kale oo ka duwan middan, waxaana kursiga kaydka Marcus Rashford iyadoo booskiisana la geynayo Christian Eriksen oo khad dhexe iyo garab isku qabanaya.

Shaxdan kale ayaa waxay sidoo kale fursad siinaysaa Tyrell Malacia oo beddelaya Shaw, Lisandro Martinez oo booska kala baxaya Varane iyo Wan-Bissaka oo kasoo hormaraya Diogo Dalot.

Waa kuwan labada shaxood ee Manchester United ay kula ciyaari karto Brighton

Shaxda koowaad ee la filayo

Man United XI

Shaxda labaad ee uu Ten Hag isticmaali karayo

Advertisements

Man United XI.png1

2 Fekradood

  1. labada shaxba wax baa kakhaldan DALOT, FRED, MCTOMINAY,WANBASAKA, intaasba hadaysan kooxda iska dirin oo badalkooda keensanin meela magaarayso waa aniga sidaan qabo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada