Kuma Doonayo!! Xiddiga Weyn Ee Saxeexiisa Oo Bilaash Ah Barcelona U Bandhigay Balse Uu Xavi Diiday Oo La Ogaaday

Advertisements

Barcelona ayaa suuqa xagaagan si adag uga shaqaynaysa inay samayso saxeexyo qiimo ahaana jaban si fiicana ugu haboonaanaya qorshaheeda balse inay xiddigo badan mudooyinkii ugu dambeeyay bilaash ku qaadatay ayaan la macno ahayn inay xiddig kasta oo bilaash ah qaadanayaan.

Sida lagu sheegay warbaahinta Sport, Paulo Dybala oo heshiiskiisii Juventus dhacayo qaab bilaash ahna kaga tagaya ayaa saxeexiisa oo xor ah u bandhigay Barcelona.

Advertisements

Warbixinta ayaa sheegaysa in tababaraha Barca ee Xavi Hernandez iyo la taliyaha agaasimaha ciyaaraha ee Jordi Cruyff ay diideen heshiiskaas maadaama oo aysan u arkin Dybala qorshe mudo dheer.

Dybala ayaa 293 kulan oo uu usoo ciyaaray Juventus usoo dhaliyay 115 gool isaga oo kula soo guuleystay shan horyaalka Serie A iyo afar Copa Itallia. Shan jeer ayaa lagu daray shaxda xilli ciyaareedka ee Serie A halka uu xiddigii sanadka qaaday xilli ciyaareedkii 2019-20.

Advertisements

28 sano jirkaas ayaa la filayay inuu ku biiri doono Inter Milan oo uu mudo wadahadalo kula jiray balse warar cusub ayaa qishaya inuu istaagay heshiiskaasi iyadoo haatan lala xidhiidhinayo kooxdii dhawaan horyaalka ku guuleysatay ee AC Milan.

Inter ayaa Chelsea kala heshiisay saxeexa Romelu Lukaku oo qaab amaah ah hal xilli ciyaareed ugu laabanaya halka uu tijaabada caafimaadka u maray Henrikh Mkhitaryan oo bilaash ugaga imanaya AS Roma.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada