Kooxaha Ugu Koobabka Badan Champions League Oo Dhameystiran (Jamaahiirta PSG, Arsenal & Man City Indhaha Ka Daboosha)

Advertisements

Koobka Kooxaha Yurub waxaa markii ugu horeysay la ciyaaray sannadkii 1955 taasoo la micno ah in koobkaan la qabtay 68 jeer iyadoo markii danbe loo bixiyay magaca UEFA Champions League.

Kooxaha sida Real Madrid, Liverpool iyo AC Milan ayaa xiriir gaar ah la leh koobkaan halka kooxaha sida Porto iyo Nottingham Forest qeyb ka yihiin sheekooyinka lama ilaawaanka ah ee Champions League.

Advertisements

Real Madrid ayaa ah boqorada Champions League iyadoo ku guuleystay rikoodh 13 jeer ah.

Kooxda reer Spain ayaa iska heysatay koobkaan tan iyo markii la sameeyay iyagoo shan jeer oo isku xigta ku guuleystay intii u dhaxeysay 1955 ilaa 1960 waxay sidoo kale seddex jeer oo isku xigta ku guuleysteen intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018.

Advertisements

AC Milan ayaa ah kooxda labaad ee ku soo xigta iyagoo hantay koobka Dhega Weyne todoba jeer laakiin kuma aysan guuleysan koobkaan tan iyo sannadkii 2007.

Liverpool iyo Bayern Munich ayaa kaalinta seddexaad kuwada jira iyagoo min lix jeer ku guuleystay Champions League.

Real Madrid (13): 1956, 1957, 1958, 1959, 1960, 1966, 1998, 2000, 2002, 2014, 2016, 2017, 2018

AC Milan (7): 1963, 1969, 1989, 1990, 1994, 2003, 2007

Liverpool (6): 1977, 1978, 1981, 1984, 2005, 2019

Bayern Munich (6): 1974, 1975, 1976, 2001, 2013, 2020

Barcelona (5): 1992, 2006, 2009, 2011, 2015

Ajax (4): 1971, 1972, 1973, 1995

Manchester United (3): 1968, 1999, 2008

Inter (3): 1964, 1965, 2010

Juventus (2): 1985, 1996

Benfica (2): 1961, 1962

Chelsea (2): 2012, 2021

Nottingham Forest (2): 1979, 1980

Porto (2): 1987, 2004

Borussia Dortmund (1): 1997

Feyenoord (1): 1970

Marseille (1): 1993

Aston Villa (1): 1982

Hamburg (1): 1983

Crvena Zvezda (1): 1991

FCSB (1): 1986

PSV Eindhoven (1): 1988

Koobkaan waxa uu xujo ku noqday seddex kooxood oo magac weyn leh oo aan weli ku guuleysanin waana Arsenal, PSG iyo Manchester City iyadoo seddexda kooxoodba ay min hal jeer finalka gaareen balse laga qaaday.

Arsenal waxaa 2006 ka qaaday Barcelona, PSG waxaa 2020 ka qaaday Bayern Munich, Man City waxaa 2021 ka qaaday Chelsea.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada