Kooxaha Lacagtii Ugu Badnayd Suuqa Geliyey Xagaagan Iyo Xiddigihii Ugu Qaalisanaa Illaa Hadda

Advertisements

Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lacagtii ugu badnayd suuqa geliyey xagaagan, marka isbarbar-dhig lagu sameeyo shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub.

Bishii June ee dhamaatay ayuu suuqu furmay, waxaana illaa waqtigaas ay kooxaha Premier League kharash gareeyeen lacag ka badan 580 milyan oo Gini, inkasta oo ay daqiiqad kasta isbeddelayso lacagtaasi oo ay samaynayso korodh.

Advertisements

20ka kooxood ee Premier League ayaa mashquul ku ah suuqa iibka iyaga oo doonaya inay is-dhisaan si ay xilli ciyaareedka foodda inagu soo haya usoo hooyaan guulo ay mid walba doonayso inay loollanka xilli ciyaareedka ku muquuniso naadiyada kale.

Iyadoo aan lagu darin dhawr saxeex oo caawa la dhamaystiray, sida Tyler Adams oo ay Leeds United kula soo wareegtay 20 milyan oo Gini iyo Raheem Sterling oo Chelsea ay 50 milyan oo Gini kaga soo iibsanayso Man City, waxa tirada lacagta ay kooxaha Premier  League kharash gareeyeen ay gaadhaysaa 581.20 milyan oo Euro, halka horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ay kooxihiisu kharash gareeyeen 306.68 milyan oo Euro.

Advertisements

Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ayaa ku jira kaalinta saddexaad, waxaana muddadii koobnayd ee suuqa iibka ciyaartoydu uu furnaa ay kooxihiisu ciyaartooyo ku iibsadeen 236.93 milyan oo Euro, waxaana afraad soo galay Ligue 1 oo Faransiis ah oo 187 milyan oo Euro ay naadiyadiisu ciyaartooyo cusub ku iibsadeen.

LaLiga oo horyaalka Spain ah ayaa si lama filaan ah dhulka u galay, waxaana uu noqday midka ugu hooseeya ee kooxihiisu ay lacagii ugu yarayd kharash gareeyeen shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub, waxaana kaliya ay bixiyeen 135.4 milyan oo Euro oo 80 milyan oo ka mid ah ay bixisay Real Madrid.

Darwin Nunez ayaa ah ciyaartoyga ugu qaalisan Premier League

Ma jirto koox Premier League ah oo kharash garaysay lacag gaadhaysa inta ay bixisay Tottenham Hotspur oo ah 87.20 milyan oo Euro, waxaana ku xigta Liverpool oo illaa hadda bixisay 85.79 milyan oo Euro iyo Newcastle United oo 66 milyan oo Euro ciyaartooyo cusub ku iibsatay.

Darwin Nunez ayaa ah ciyaartoyga ugu qaalisan illaa hadda, waxaanay Liverpoolkaga soo iibsatay Benfica laga gaadhaysa 75 milyan oo Euro oo ay la socdaan 25 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa. Erling Haaland oo Man City ay kala soo saxeexatay Borussia Dortmund ayaa labaad ah oo ay 60 milyan oo Euro kasoo bixisay.

Atalanta ayaa horyaalka Talyaaniga hoggaaminaysa naadiyada lacagta ugu badan bixiyey, waxaanay kharash garaysay 42 milyan oo Euro, halka Juventus oo labaad ah ay bixisay 40 milyan oo Euro iyo Napoli oo saddexaad ah oo 36 milyan ciyaartooyo ku iibsatay. Waxa kusii xiga, Roma, Fiorentina iyo Lecce.

Dhinaca kale, labada kooxood ee horyaalka Bundesliga ugu awoodda badan ee Borussia Dormund iyo Bayern Munich ayaa kharash gareeyey 55 milyan oo Euro iyo 50 milyan oo Euro, sida ay u kala horreeyaan.

XASUUSIN: Lacagahani waxay ku kooban yihiin lacagta qaddinka ah ee la bixiyey, kumana jiraan lacagaha dib laga bixinayo

Ligue 1 iyo LaLiga oo ka dhacay saddexda sare.

Paris Saint-Germain ayaa horyaalka Ligue 1 hoggaaminaysa lacagta ciyaartoyda lagu iibsaday, waxaanay xagaagan kharash garaysay 79.5 milyan oo Euro, halka Marseille oo labaad ku jirta ay iyaduna ciyaartooyo kusoo iibsatay 44.90 milyan oo Euro.

Horyaalka Spain, waxa hoggaaminaysa Real Madrid oo 80 milyan oo Euro kasoo bixisay hal ciyaartoy oo ah Aurelien Tchouameni waxaana ku xigta Real Betis oo 18 milyan oo Euro ciyaartooyo ku iibsatay iyo Real Sociedad oo saddexaad fadhida.

Waa kuwan tobanka kooxood ee illaa hadda lacagta ugu badan ciyaartoyda ku kharash gareeyey

Tottenham (87.20)

Liverpool (85.79)

Real Madrid (80)

PSG (79.50)

Newcastle (66)

Manchester City (60)

Leeds United (57.84)

Dortmund (55)

Aston Villa (54.50)

Bayern Munich (50.50)

Advertisements

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada