“La Qabsi Ayuu U Baahan Yahay” – Jurgen Klopp Oo Qish Ka Bixiyey Shaxda Uu Kula Ciyaari Doono Fulham & Xiddiga Uu Kaydka Dhigayo

Advertisements

Liverpool ayaa horyaalka waddanka Ingiiriska ee Premier League ee xilli ciyaareedka 2022-23 waxay ku bilaabanaysaa safar ay Sabtida ku tagto Fulham, waxaana kaydka kasoo muuqan kara xiddiga ugu qaalisan kooxdaas ee Darwin Nunez.

Laacibkan oo xagaagan ay Liverpool £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica ayaa dhaliyey gool ciyaartii Community Shield ee Man City ee Sabtidii, sidoo kalena waxa lagu galay rikoodhe, hase yeeshee ciyaarta ayaa uu kusoo bilowday kursiga kaydka isaga beddel ku yimid daqiiqaddii 59aad.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa dorobiday inuu ciyaartaas kusoo bilaabo Robert Firmino, waxaana go’aankaas loo arkay mid habboonaa maadaama uu laacibkani ku cusbaa naadiga iyo horyaalka Ingiriiska oo ay ahayd inuu waqti dambe beddel ku yimaaddo.

Kulanka horyaalka Premier League ee Craven Cottage ee Liverpool iyo Fulham ee Sabtida berri ayay suurtogal tahay in Nunez uu kaydka kusoo bilowdo qaybta hore, isla markaana uu Klopp soo horreysiiyo Roberto Fimino, sida uu qish kusii bixiyey mar uu maanta saxaafadda la hadlayay.

Advertisements

“Darwin waa diyaar, laakiin taasi kama dhigna in uu ciyaarta kusoo bilaaban doono.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlayay, waxaana hadalkiisa loo fasirtay in uu laacibkani qaybta hore fadhiyi doono oo ay kusoo wada bilaaban doonaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Luis Diaz, maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Diogo Jota.

“Ma garanayo in uu kusoo bilaabanayo, waxaanu haysanaa dookho kala duwan. Waxa uu u baahan yahay in uu la qabsado waxyaabaha qaarkood.” Ayuu raaciyey.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada