Kama Qasna! Wixii Uu Sameeyey Karim Benzema Saacado Kaddib Xukunkii Xadhigga Ahaa Ee Lagu Riday

Advertisements

Saacado kaddib markii uu ku dhacay xukunka xadhiga ah ee halka sano iyo lacagta ganaaxa ah 75,000 Euro ah, Karim Benzema ayaa sameeyey ficil aad loo hadal hayo oo muujinaya in aanay arrintaasi wax saamayn ah ku yeelan.

Weeraryhanka reer France ayaa Arbacadii lagu riday xukun xadhig ah iyadoo lagu helay inuu qayb ka ahaa fadeexaddii Mathieu Valbuena, waxaanay maxkamadda Versailles oo ku taalla meel u dhow magaalada Paris ay u sheegtay inuu sannad xadhig ah iyo lacag ganaax ah isku darsanayo.

Advertisements

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeeyeen Benzema inuu la shaqaynayay budhcaddii cajaladda galmada ka duubtay Valbuena oo hadda 37 jir ah, kaas oo ay ku xujeeyeen inuu bixiyo lacago magdhow ah.

Iyadoo saacado kasoo wareegeen waqtiga uu soo baxay go’aanka maxkamaddu, ayay Real Madrid u bilaabantay ciyaartii Champions League ee Sheriff FC oo ay ku garaaceen 3-0. David Alaba, Toni Kroos iyo Benzema ayaa min hal gool dhaliyey, iyadoo ay sidaas Real Madrid ugu gudubtay wareegga 16ka.

Advertisements

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartu, Karim Benzema ayaa muujiyey in aanu xukunka lagu riday wax saamayn ah ku yeelan, waxaana uu qaaday tallaabo uu kaga farxinayo inan yar oo taageere u ah oo garoonka ugu soo gashay.

Laacibkan Muslimka ah oo u saxeexay inantaas yar oo iyada oo faraxsan uu kaga ka baxday garoonka, halka Karim Benzema la tilmaamay in waqtigii uu arrintan samaynayay uu mabsuud ahaa oo aan laga dareemayn in xataa xukun maxkamadeed ku dhacay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA