Joe Cole Oo SAADAALIYAY Final-ka FA Cup Ee Kooxihiisii Chelsea v Livepool & Kooxda Uu Koobka U Hibeeyay

Advertisements

Xiddigii hore ee kubadda cagta England ee Joe Cole ayaa saadaalin ku sameeyay kulanka kama dambaysta ah ee Final-ka FA Cup ee maanta dhex maraya kooxaha uu soo metelay ee Liverpool iyo Chelsea.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan durba laba koob kusoo guuleysatay iyadoo soo qaaday UEFA Super Cup iyo tartanka koobka kooxaha aduunka.

Advertisements

Dhinaceeda Liverpool ayaa soo hanatay Carabao Cup oo ay waliba isla Chelsea kaga soo guuleysatay iyadoo Reds ay tartamayaal u yihiin dhammaan afartii koob ee ay qaybta ka ahaayeen.

Si kastaba, Joe Cole oo saadaalin ku sameeyay Final-ka maanta dhex maraya tababarayaasha ree Germany ee Thomas Tuchel iyo Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu qabo in Blues ay 1-0 ku qaadi doonaan koobka.

Advertisements

“Waxaan qabaa in Chelsea 1-0 ku badin doonto. Waxaan qiranayaa in taasi ka imanayso qalbigayga in ka badan maskaxdayda, Liverpool waxay u muuqataa mid aan la dhaafi karin haatan” ayuu ugu horreynba yidhi Joe Cole.

“Waad aragtaa qaabka ay u ciyaarayaan, iyagu waa koox cajiib ah. Balse waxaan filayaa in Thomas Tuchel kulankan wax u qorsheeyay sidaas darteed waxaan dooranayaa Chelsea”.

Advertisements

 

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada