Jesus, Rafinha, Martinez – Arsenal Oo Isku Adkeyneysa Si Aan Hore Loo Arag

Advertisements

Inkastoo ay Arsenal ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday, hadana waxay qarka u saaran yihiin inay sameeyaan suuqoodii ugu fiicnaa abid.

Inkastoo lala xiriirinayo Gabriel Jesus, Raphinha iyo Lisandro Martinez hadana heshiisyadaas ma ahan kuwa weli la dhameystiray. Si kastaba, haddii Arsenal ay la soo wareegto seddexdaan xiddig oo lagu darro xiddigihii durbaba yimid kooxda sida Matt Turner, Fabio Vieira iyo Marquinhos iyo soo laabashada William Saliba, markaas wuxuu sannadkan 2022 noqon doonaa sannadkii ugu fiicnaa Arsenal ee suuqa kala iibsiga.

Advertisements

Sannadkii hore ee 2021 kooxda waxay qarashgareysay lacag aad u badan. Ben White, Aaron Ramsdale, Martin Odegaard, Tomiyasu, Nuno Tavares iyo Albert Sambi Lokongo ayay ku qarashgareeyeen 150 milyan ginni.

Lixdaan xiddig waxay kooxda ka caawiyeen inay ka soo kacaan kaalinta 8aad oo ay tartan xoogan u galaan kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League.

Advertisements

Xagaagan waxay sameynayaan dadaal ka badan kii sannadkii hore waxay durbaba soo xerogeliyeen xiddig khadka dhexe oo aad loo amaanay Vieira, waxay soo ceshanayaan daafaca William Saliba oo wacdarro u dhigay kooxdii Farasiiska ee uu amaahda ugu maqnaa xilli ciyareedkiisii hore.

Haddii Gunners ay dhameystirto saxiixyada weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus, xiddiga Leeds United Raphinha iyo daafaca Ajax Lisandro Martinez markaas waxay xaqiijisan karaan inay ku soo laaban karaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Arsenal ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa Jesus iyadoo Mikel Arteta uu sheegay inuu doonayo inuu xiddigaan udub dhexaad uga dhigo weerarkiisa.

Waxay sidoo kale wadahadal horumar leh kula jiraan Leeds iyagoo ku dhow saxiixa Raphinha halka sidoo kale lala xiriirinayo Lisandro Martinez.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada