Jesse Lingard Oo Ka Ambobaxaya Old Trafford, Labada Kooxood Ee Midkood Calafka U Yeelatay Iyo Faahfaahinta La Helay

Xiddiga Manchester United ee Jesse Lingard ayaa ugu dambayn ka tegaya Old Trafford oo uu muddo labaatan sannadood ah ku sugnaa oo kasoo bilaabantay sannadkii 2000 oo uu isagoo carruur ah kusoo biiray da’yarta naadiga.

Laacibkan oo dhawr jeer amaaho loogu diray kooxaha Leicester City, Birmingham, Brighton, Derby County iyo West Ham, ayaa waxa hadda diyaar u yahay inuu si rasmi ah usoo afjaro xidhiidhkii muddada dheer uu la lahaa Manchester United.

Lingard 2

Lingard ayaa iska diiday heshiisyo cusub oo ay bishii hore u bandhigtay Manchester United, waxaana uu go’aan ku gaadhay inuu si xor ah uga tago marka la gaadho suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo aaddan, iyadoo qandaraaskiisana ay bilo kooban ka  hadhsan yihiin.

28 jirkan ayaa doonaya inuu helo boos  uu si joogto ah uga ciyaaro, laakiin Manchester United ayaanay u muuqan inuu ka heli karayo fursadaas sababtoo ah waxa xulashada Ole Gunnar Solskjaer kaga horreeya Cristiano Ronaldo iyo Jadon Sancho.

Si kastaba, labada kooxood ee Barcelona iyo AC Milan ayaa la sheegay inay soo galeen liiska kooxaha doonaya saxeexa Jesse Lingard, labadooda ayaana ah kuwa ugu cadcad ee uu kala dooranayo.

Wargeyska Daily Mail ayaa boggiisa hore ku qoray saaka oo Khamiis ah, in Jesse Lingard uu horraanta bisha January heshiis hordhac ah lasii gaadhi doono Barcelona ama AC Milan, kaddibna uu si xor ah ugu wareegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA