Dhacdo Fool Xun Oo Lagula Kacay Da’yarka Manchester United Ee Anthony Elanga Iyo Xidhiidhka Sweden Oo Ka Hadlay

Xidhiidhka kubadda cagta Sweden ayaa wacad ku maray inay garab istaagayaan garabka weerarka da’da yar ee Manchester United ee Anthony Elanga oo cunsuriyad kula kulmay garoonka dhexdiisa, xilli ay midabkiisa ku faquuqeen ciyaartoyda ay iska soo horjeedeen.

Anthony Elanga ayaa u ciyaaray xulka qaranka Sweden ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada Salaasadii shalay ciyaar ay ka hor tageen waddanka Talyaaniga, laakiin waxa uu dhibbane u noqday cunsuriyad kaga timid mid ka mid ah ciyaaryahannada Talyaaniga.

Elanga

Sweden iyo Talyaaniga ayaa ku kala baxay barbarro 1-1 ah ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka tartanka qaramada Yurub ee da’yarta, waxaana goolka ku hormaray Talyaaniga oo uu u saxeexay Lorenzo Lucca, halka Sweden uu daqiiqaddii 72aad goolka barbarraha u keenay Anthony Elanga

Maxaa dhacay

Elanga ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu sheegay in ereyo cusnuriyad ah uu kala kulmay ciyaartoy Talyaani ah, iyadoo telefishanadana laga arkayay 19 jirkan oo ay murmayaan ciyaartoy kale.

Garsooraha ciyaarta ayaa kala kexeeyey Elanga iyo ciyaartoyga kale, waxaanay Elanga iyo ciyaargoyga kale iyagoo hadallo is weydaarsanaya isku soo garab galeen illaa gudaha qolka lebbiska.

Maxaa laga yidhi?

Xidhiidhka kubadda cagta Sweden ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dhacdo fool xun lagula kacay Anthony Elanga, isla markaana  ay dacwad rasmi ah u gudbinayaan UEFA isla markaana ay garab taagan yihiin da’yarkooda.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA