Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa magacaabay shanta kooxood ee ugu cadcad ee midkood ay ku guuleysan doonto horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda, waxaanu meesha ka saaray Real Madrid oo ah naadiga difaacanayay koobka.
Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisa Real Madrid ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii tegay, kaddib markii ay dhexda kusii karbaasheen Paris Saint-Germain, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool oo ay finalka iskugu yimaaddeen ayuu Paul Merson sheegay in aanay sannadkan ku guuleysan doonin koobka.
Halyeygan hore ee garabka weerarka uga ciyaari jiray Arsenal iyo xulka qaranka England ayaa sidoo kale aan xisaabta ku darin PSG oo haysata Lionel Messi, Neymar, Kylian Mbappe iyo Sergio Ramos.
Paul Merson oo sidoo kale abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or u saadaaliyey Karim Benzema ayaa yidhi: “Madaxayga kama saari karayo wixii ay Real Madrid samaysay xilli ciyaareedkii hore. Ma waxay ahaayeen koox wanaagsan mise nasiib ayay lahaayeen?
“Saddex jeer ayay wareeggii isreeb-reebka guuleysteen iyaga oo dhaafay PSG, Chelsea iyo Manchester City. Waxay sidoo kale ka badiyeen Liverpool oo ciyaartay kubbad ka wanaagsan, kana fursado fiicnayd.”
Paul Merson oo magacaabayay shanta kooxood ee uu u saadaalinayo inay midkood ku guuleysanayso Champions League ayaa yidhi: “Waxa aan dareensanahay in ay laba kooxood oo Ingiriis ahi iskugu iman doonaan finalka. Waxay ila tahay in koox Premier League ahi ku guuleysan doonto.”
Shanta kooxood ee uu Paul Merson magacaabay ayaa kala ah: Bayern Munich, Barcelona, Chelsea, Liverpool iyo Manchester City
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora