Iska Illow Martinelli, Saka Iyo Odegaard: Ian Wright Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Arsenal Ee Ka Yaabiyey Xalay

Advertisements

Halyeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa ku dhaygagay bandhigga heerka sare ahaa ee ay sameeyeen laba ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa hore kulankii furitaanka horyaalkaa Premier League ee xalay ay ku garaaceen Crystal Palace.

Arsenal oo kaalinta shanaad ku dhamaysatay xilli ciyaareedkii hore, ayaa waxay fasalkan cusub ee 2022-23 ku bilaabatay guul 2-0 ah, waxaana iyadoo marti u ahayd Crystal Palace oo uu tababare u yahay Patrick Vieira ay saddex dhibcood kasoo xoogtay Selhurst Park.

Advertisements

Natiijadan ayaa ahayd mid ka duwan sidii ay xilli ciyaareedkii hore  ku bilowdeen horyaalka oo saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey laga badiyey.

Gabriel Jesus ayaa hoggaanka u dhiibay Gunners daqiiqaddii 20aad, iyadoo kooxda tababare Mikel Arteta ay bandhig heersare ah samaysay qaybtii hore, halka goolka labaadna uu dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay uu iska dhaliyey  Marc Guehi.

Advertisements
Gabriel Jesus, William Saliba iyo Oleksandr Zinchenko ayay u ahayd kulankii koowaad ee tartan caadi ah ee ay ugu soo bilowdaan Arsenal, waxaanay dhamaantood muujiyeen bandhig heersare ah, hase yeeshee Ian Wright waxa si gaar ah usoo jiitay wacdarihii uu dhigay difaaca reer France ee Saliba oo noqday xiddigii garoonka, halka uu Jesus na la dhacay qaab ciyaareedka uu muujiyey isaga oo kooxda ku cusub.

“Saliba waxa uu ahaa ciyaartoy heersare ah caawa [xalay]. Waxa uu u muuqday sidii saxeex cusub oo kale. Mikel iyo Edu ayaa iska leh amaanta waxa uu sameeyey wiilkani. Waa ciyaartoy aynu mar walba ka fikirayno in uu wax cajiib ah samayn doono.”

Ian Wright waxa uu sheegay in Arteta iyo Edu ay ku saxsanaayeen go’aankii ay Saliba amaahda ugu direen xilli ciyaareedkii hore oo uu kusoo guuleystay xiddiga ugu wanaagsan Faransiiska ee da’diisu ka hoosayso 21 jirka, isaga oo wacdaro kasoo dhigay Marseille.

Sannadkii 2019 ayay Arsenal £27 milyan oo Gini kusoo iibsatay Saliba, waxaana laba jeer lagu diray amaah uu kusoo qaan-gaadhay oo hadda uu ku noqonayo halbowlaha difaaca dhexe.

Ian Wright waxa kale oo uu sheegay inuu ku dhaygagay b andhigga Gabriel Jesus oo Arsenal ay £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Manchester City, kaas oo 45kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ay difaacyahannada Crystal Palace  ku dhibaatoodeen sidii ay u joojin lahaayeen.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada