Iska Illow Chelsea, Roma & Bayern! Koox Lama Filaan Ah Oo Xidhiidh La Samaysay Cristiano Ronaldo

Advertisements

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Manchester United ayaa uu mugdi galay kaddib markii uu laacibkani iskii isku soo dhigay suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo la sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Manchester United maadaama ay ka maqnaanayso Champions League.

37 jirkan ayaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey si joogto ah uga ciyaarayay Champions League, laakiin hadda ayaanu maqli doonin heesta caanka ah ee tartankaas haddii uu sii joogo Manchester United.

Advertisements

Bishii August ee sannadkii hore ayuu Ronaldo kusoo laabtay horyaalka Premier League iyo kooxdiisii hore ee Manchester United isaga oo ka tegay Juventus oo uu saddex sannadood u ciyaaray, waqtigiisa cusub ee Old Trafford na ma ahayn mid ka  liitay dhinaciisa laakiin guud ahaan kooxda ayaa aad u hoosaysay.

38 ciyaarood oo uu dhaliyey 24 gool, balse waxa uu kooxdiisa ka badbaadin kari waayey inaya kaalinta lixaad kaga dhamaysato horyaalka, waxayse xaqiiqadu tahay, in haddii aanu isagu joogi lahayn ay kooxdu xataa kasii hoosayn lahayd halkaas oo ay goolashiisu dhibco badan siiyeen.

Advertisements

Ronaldo oo doonaya inuu kasoo qayb-galo Champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa Sabtidii shalay si weyn loola xidhiidhiyey Chelsea, halka maalmo ka horna ay soo baxeen warar sheegaya in uu tegayo Bayern Munich ka hor intii aanay kooxdaasi shaacin in aanu qorshahooda ku jirin.

Sidoo kale, AS Roma ayaa la sheegay in ay danaynayso laacibkan oo uu si gaar ah ugu gacan-haadinayo Jose Mourinho oo hore ugu soo layliyey Real Madrid.

Koox afraad oo lama filaan ah ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro Cristiano Ronaldo waana naadigii uu kusoo barbaaray ee Sporting Lisbon, taas oo ay hore u sheegtay hooyada dhashay laacibkani in uu mar uun u ciyaari doono oo uu dib ugu laaban doono.

Sporting Lisbon ayaa la sheegay in ay xidhiidh la samaysayy Ronaldo oo ay u muujiyeen sida ay u doonayaan inay dib ugu celiyaan garoonkiisii hore iyo kooxdii uu ku kacaamay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada