Raheem Sterling ayaa maanta heshiis shaqsi ah la gaadhay Chelsea, waxaana saxeexiisa la dhamaystiri doonaa 24 saacadood gudahood si uu kooxdiisa cusub ugu raaco safarka ay maalinta Sabtida ugu baxayso waddanka Maraynka.
Wargeyska The Telegraph ayaa xaqiijiyey in uu dhacay heshiiska shaqsiga ah ee Sterling iyo Chelsea, waxaana horeba ay labada kooxood uga heshiiyeen lacagta ay kula kala wareegayaan laacibkan oo noqonaysa £50 milyan oo Gini, waxaana uu noqonayaa weeraryahan kii labaad ee ay Man City iibiso xagaagan, iyadoo uu kasii horreeyey Gabriel Jesus oo £45 milyan oo Gini ay ku gadatay Arsenal.
Sababta uu Sterling u go’aansaday inuu ka tago Manchester City ayaa lagu sheegay inuu doonayo inuu qayb ka noqdo Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan oo xulka qarankiisa England uu booskiisa ka diyaarsado, waxaana halis geli lahayd fursaddiisa haddii uu sii joogo Man City oo la rumaysnaa in aanu boos ka heleen maadaama uu Pep Guardiola ka doorbayo Erling Haaland oo xagaagan ay lasoo wareegeen.
Xiddigan hore ee Liverpool oo muddo toddoba sannadood ah kasoo ciyaaray Etihad Stadium ayay Chelsea mushahar u siin doontaa £300,000 Gini, waxaana uu noqonayaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda kaddib markii uu laacibkii booska koowaad xajisanayay ee Romelu Lukaku uu amaah ugu wareegay Inter Milan oo mushaharkiisa oo dhan bixinaysa.
Weeraryahanka reer Belgium ayuu mushaharkiisu ahaa £325,000 Gini, balse amaahda uu ku tegay ayaa muddo 12 bilood ah ka tirtiraysa liiska mushaharka Chelsea, waxaanay taasi keenaysaa in safka Blues uu hadda hoggaanka u qabto Raheem Sterling.
N’Golo Kante ayaa kaalinta labaad ku jira isaga oo toddobaadkii mushaharkiisu yahay £290,000 Gini, waxaana uu kubbad-burburiyaha Muslimka ahi uu ku jiraa sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa taas oo keenaysa inuu kooxdu ay la furto wada-hadallo heshiiska loogu kordhinayo oo kor loogu qaado mushaharkiisa amaba uu xagaaga dambe si xor ah uga tago.
Timo Werner iyo Ben Chilwell ayaa kusii xiga oo afraad iyo shanaad soo kala cidhiidhsanaya, halka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Talyaaniga ee Jorginho oo isagana sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisu uu bilaabmay uu meel dhexe fadhiyo oo uu usbuucii u xaadiro £150,000 Gini.
Mushaharka ciyaartoyda Chelsea ee Xilli-ciyaareedka 2022/23
Ethan Ampadu | £7,500-toddobaadkii
Nathan Baxter | £30,000-toddobaadkii
Edouard Mendy | £52,000-toddobaadkii
Reece James | £58,000-toddobaadkii
Ruben Loftus-Cheek | £60,000-toddobaadkii
Mason Mount | £88,462-toddobaadkii
Ross Barkley | £96,514-toddobaadkii
Hakim Ziyech | £100,000-toddobaadkii
Marcos Alonso | £100,000-toddobaadkii
Thiago Silva | £105,000-toddobaadkii
Jorginho | £110,000-toddobaadkii
Malang Sarr | £120,000-toddobaadkii
Callum Hudson-Odoi | £120,000-toddobaadkii
Christian Pulisic | £150,000-toddobaadkii
Mateo Kovacic | £150,000-toddobaadkii
Kai Havertz | £150,000-toddobaadkii
Kepa Arrizabalaga | £155,000-toddobaadkii
Ben Chilwell | £190,000-toddobaadkii
Timo Werner | £272,000-toddobaadkii
N’Golo Kante | £290,000-toddobaadkii
Raheem Sterling | £290,000-toddobaadkii
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora