ISBARBAR-DHIG: Xiddiga Lama Filaanka Ah Ee Manchester United U Doonayso Beddelka Ronaldo & Xogta Waxqabadkooda Oo La Isbarbar-dhigay

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay ka fiirsanayso inay ogolaato inay iibiso Cristiano Ronaldo oo ka dalbaday in loo ogolaado inuu ka tago Old Trafford xagaagan, waxaanay Erik ten Hag iyo masuuliyiinta kale ee kooxdu ay indhaha ku hayaan xiddigii u beddeli lahaa oo la sheegay inuu ka ciyaaro horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa waxa uu go’aanka bixitaanka gaadhay usbuucan horraantiisii oo dalabkiisa u gudbiyey Red Devils, taas oo ka dhigan in uu ka tegayo Old Trafford oo uu ku dhamaystay sannad ka mid ah laba sannadood oo uu xagaagii hore u saxeexay.

Advertisements

United ayaa la sheegay in ay durba calaamadsatay xiddig ruug caddaa ah oo ay ka dhigan doonaan beddelka Cristiano Ronaldo, waana weeraryahanka xulka qaranka France iyo Monaco ee Wissam Ben Yedder.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay, in Manchester United ay xiisanayso Wissam Ben Yedder oo ay doonayaan inay la saxeexdaan, waxaase sidoo kale tartankiisa ku jirta Wolves.

Advertisements

31 jirkan ayaa tan iyo sannadkii 2019 oo uu kusoo biiray Monaco oo kala soo wareegtay Sevilla waxa uu ahaa mishiin goolasha ah, isaga oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey dhaliyey 55 gool, halka 124kii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna uu shabaqa taabsiiyey 73 gool.

Wissam Ben Yedder ayaa sannadkii 2010 waxa uu horyaalka Ligue 1 kasoo galay Toulouse, waxaana bandhig ciyaareedkiisa cajiibka ahaa uu sababay inuu lix sannadood kaddib u wareego Sevilla oo 91 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 38 gool ka hor intii aanu ku laabanin Faransiiska.

Ben Yeder ayaa kooxda uu kulliyaddeeda kasoo baxay ee Toulouse waxa uu u saftay 347 kulan, waxaanu u saxeexay 164 gool iyo 50 uu caawiye ka noqday.

Dhinaca kale, Cristiano Ronaldo ayaa isaguna dhaliyey 384 gool 391 kulan oo uu ciyaaray tan iyo sannadkii 2010 oo ah waqtiga uu Wissam Ben Yedder soo galay garoomada.

Cristiano Ronaldo oo loo aqoonsan yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta, waxa rikoodhkiisani kasoo bilaabmayaa badhtamaha sannadkii 2010 oo ah xili-ciyaareedkiisii labaad ee Real Madrid.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada