“Isagaa U Qalma Inuu Ku Guuleysto!!” – Jamie Carragher Oo Caleemo Saaray Xiddiga Ugu Mudan Ballon d’Or Sanadkan

Carragher
Advertisements

Daafacii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher oo haatan door falanqeeyenimo kaga shaqeeya kanaalada Sky Sports iyo BT Sport ayaa ka hadlay ciyaaryahanka uu u arko midka ugu mudan ku guuleysiga abaalmarinta sanadka ee Ballon d’Or 2021.

Saddexda tartame ee ugu muhiimsan ayaa loo arkaa Lionel Messi oo PSG ah, weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo khadka dhexe ee Chelsea ee Jorginho waxaana soo raaca Karim Benzema, Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah.

Advertisements

Carragher ayaa guuleystaha u doortay Lewandowski oo xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah wacdarro kusoo dhigay Bayern Munich kaddib markii sanadkii hore ee 2020 iyadoo abaalmarinta Ballon d’Or loo arkayay mid su’aal la’aan ku qaadan doona sababta Korona Fayras bixinteeda loo kansalay.

“Waxaan filayaa inuu Lewandowski ku guuleysan doono, waxaan filayaa in isagu u qalmo inuu ku guuleysto” ayuu yidhi Jamie oo BT Sport ka hadlayay.

Advertisements

Dhinaca kale Jamie Carragher ayaa sheegay in sidoo kale ay macquul tahay in Lionel Messi la siiyo abaalmarinta maadaama oo uu ugu dambayn koob heer qaran ah qaaday.

“Anigu waxaan dooran lahaa Lewandowski, balse waxaan filayaa in Messi ku guuleysan karo sababtoo ah dadku waxay dareemi doonaan inuu isagu ugu dambayn Argentina wax u qabtay.”

Lewandowski ayaa xilli ciyaareedkii tagay 48 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan kaddib 40 kulan halka uu rekoodhka gool dhalinta Bundesliga ee 41-ka gool ahaa kusoo jabiyay 29 kulan.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada