“Inuu Gool Dhaliyo Oo Kooxdu 1-0 Ku Badiso Ayuu Ka Jecel Yahay Inay Kooxdu 5-0 Ku Badiso Oo Uusan Gool Dhalin”

Advertisements

Cristiano Ronaldo waa mid danayste ah oo jecel in gool kali ah oo uu kooxda u dhaliyay ay guul ku gaadho halkii ay shan gool oo uusan isagu shabaqa taaban ku adkaan lahaayeen sida uu qabo goolhayihii hore ee kooxda Real Madrid ee Jerzy Dudek.

Dudek ayaa Ronaldo bar-bardhigay kabtankii Real Madrid ee Raul Gonzalez isaga oo ku sifeeyay shaqsi caadi ah balse banaanka ay dadka kale uga arkaan mid isla weyn maadaama oo uu yahay mid naftiisa ku waalan.

Advertisements

“Raul dhab ahaan waxa uu ahaa mid kibir badan, balse hadal iyo dhammaan waxa uu ahaa nin caadi ah. Dhinaca kale Cristiano Ronaldo waa mid naftiisa ku waalan balse waxa uu leeyahay doonis weyn oo ah inuu guuleysto” ayuu yidhi 48 sano jirkii hore ee Madrid.

“Waan hubaa inuu doorbidayo guul 1-0 ah oo uu goolka isagu dhaliyay guul 5-0 ah oo uusan isagu goolka dhalin, daaha dabadiisa isagu waa nin caadi ah balse waan fahmayaa in si kale looga arkayo banaanka”

Advertisements

Dudek ayaa afar sano kusoo qaatay Real Madrid kaddib wakhti guul ah oo uu Liverpool kusoo maray, shabaq ilaaliyaha Polish-ka ah ayaa loo arkayay markasta mid kaabis u ah goolhaye Iker Casillas, kaliya 12 kulan ayuu usoo ciyaaray Madrid kahor inta uusan sanadkii 2011 kubadda cagta ka hawl-gabin.

Dudek ayaa qayb ka ahaa safkii Los Blancos ee markii uu Ronaldo heshiiskii rekoodhka ahaa ee 80-ka Milyan ee pound ahaa ugu soo wareegayay Santiago Bernabeu.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada