Ilmihii Yaraa Ee Bahdilaadda Ku Sameeyey Lionel Messi, Neymar Iyo Kylian Mbappe

Advertisements

Lionel Messi iyo Neymar waligood ma maanka may gashan in iyagoo garoonka  dhex taagan la garab mari doono, isla markaana loo tegi doono ciyaartoy kale oo laga dalban doono garanka uu xidhan yahay, haddii ay dhacdana waxay kaliya ka filan karayaan Cristiano Ronaldo oo taageereyaashiisu badan yihiin.

Labadan ciyaartoy oo garoonka dhex taagan ayaa uu wiil yar oo taageere u ah Manchester City uu iska dhaafay, waxaana uu u tegay Bernardo Silva oo uu ka dalbaday garankii uu ku ciyaarayay, halka Messi iyo Neymar ay iyaguna sidii tuke baalku ka qoyay si niyad-jab ah ku baxeen.

Advertisements

Paris Saint-Germain ayaa guul-darro 2-1 ah kala soo kulantay Manchester City kulan ka dhacay Etihad Stadium, taas oo siisay kooxda tababare Pep Guardiola inay kaalinta koowaad kaga soo baxdo Group A, halka  PSG ay labaad kusoo gudubtay.

Kylian Mbappe ayaa hoggaanka siiyey PSG, balse waxa laba jeer ka daba timid Manchester City oo ay min hal gool u dhaliyeen Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus.

Advertisements

Markii ay ciyartu soo dhamaatay, ayaa taageere Manchester City ah uu garoonka soo galay, waxaanu garab maray Lionel Messi, Neymar iyo Mbappe oo ahaa xiddigaha la filan karayay in haddii uu qof garoonka soo galo, in uu iyaga u yimaaddo.

Wiilkan yar ayaa si toos ah ugu tegay Bernardo Silva oo caawiyey goolka guusha ee uu dhaliyey Gabriel Jesus, waxaana uu ka dalbaday garankii uu ku ciyaarayay.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa arrintan aad u hadal haysa, waxaanay is-weydiinayaan sida ay ku dhacday in Neymar iyo Messi uu wiilyar iska garab maro oo uu u tago ciyaartooy kale oo uu garanka ka beddesho.

Advertisements

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA