I Fasaxa!! – Mid Kamida Xiddigaha Booska Ka Waayay Real Madrid Oo In La Diro Codsaday

Advertisements

Real Madrid oo dhawaan kusoo guuleysatay Champions League iyo La Liga ayaa xilli ciyaareedka dambe si weyn iskugu sii diyaarinaysa haddii ay tahay saxeexyo cusub iyo haddii ay tahay xiddigo ka baxayaba.

Weeraryahanka kooxdaas ee Mariano Diaz ayaa haatan u sheegay maamulka Real inuu raadinayo bixitaan. Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii uu Diaz ka dhago adaygay inuu ka baxo Santiago Bernabeu balse haatan ayuu diyaar u yahay bilaw cusub.

Advertisements

Diaz ayaa tan iyo markii uu 2018 kusoo laabtay Los Blancos 59 kulan oo kaliya kasoo ciyaaray afar xilli ciyaareed isaga oo toddoba gool soo dhaliyay, muhiimadiisa ayaan noqon sidii la filayay tan iyo markaas uu heshiiska 21-ka Milyan ee euro ah kusoo noqday.

Dhaawacyadiisa ayaan noqon kuwo caawiyay, marka laga yimaado inay fursadiisa kooxdu aad u yarayd haddana Diaz ayaa ahaa mid markasta doorbidayay inuu joogo Santiago Bernabeu walow uu dalabaad badan helay.

Advertisements

Diaz ayuu markale fursadiisa ciyaareed xilli ciyaareedkii dambe sii yareeyay tababare Carlo Ancelotti, iyadoo heshiiskiisu uu dhacayo xagaaga 2023 ayuu hadda doonayaa kahor dhammaadka qandaraaskaas inuu ka tago caasimada Spain.

Si lamid ah Mariano, sidoo kale waxa la filayaa inay baxaan Luka Jovic iyo Borja Mayoral oo ah weeraryahanada kale ee Los Blancos taas oo ku qasbaysa in kooxdaasi ay suuqa saxeexa weeraryahan u gasho.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada