Hordhac: Villarreal vs Barcelona – Xavi Oo Imtixaankii Ugu Adkaa Maraya, Dersinka Dhaawacyada Kaga Maqan Iyo Shaxaha Kulanka

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa safar ku tegaysa garoonka Estadio de la Ceramica iyadoo raadinaysa inay guushii labaad hesho inta uu tababare Xavi Hernandez xilka hayo, hase yeeshee waxa ku sugaya Unai Emery oo guul-darro xanuun badan kala kulmay Manchester United salaasadii,

Xavi Hernandez oo kulankii hore ay kooxdiisu guul 1-0 ah ka gaadhay Espanyol usbuucii hore ayaa waxay maanta u tahay imtixaankii ugu adkaa, waxaana laga doonayaa inuu saddex dhibcood oo kale soo hooyo si ay sare ugu soo kacaan.

Advertisements

Laakiin Villarreal ayaa iyaduna xilli ciyaareed xun ku jirta oo aanay ka go’in inay saddex dhibcood lumiyaan, waxaana guul-darradii Man United uga sii horreysay barbarro 1-1 ah oo ay la galeen Celta Vigo usbuucii hore.

Barcelona ayaa soo gashay kaalinta toddobaad markii ay deriskeeda Espanyol ka  adkaatay, waxayse toban dhibcood ka  dambaysaa Real Madrid oo hoggaanka haysa, halka Villarreal ay fadhido kaalinta 12aad, isla markaana afar dhibcood ay ka hoosayso Barcelona oo ay caawa dagaallamayaan.

Advertisements

13kii ciyaarood ee ay dheeshay xilli ciyaareedkan, waxay Villarreal guuleysatay saddex mar oo kaliya, halka ay barbarro gashay toddoba jeer, saddexna laga badiyey. Waxay sidan ku urursadeen 16 dhibcood, tababare Unai Emery na waxa uu garan la’ yahay meesha ay wax ka qaldan yihiin.

Barca ayaa iyaduna guushii Espanyol waxay ku xigsiisay barbarro goolal la’aan ah oo ay garoonkeeda Camp Nou kula gashay Benfica, taas oo sii xumaysay rajadeeda Champions League ee xilli ciyaareedkan, haddii ay doonayaan inay soo gudbaana waa inay ugu yaraan barbarro la galaan Bayern Munich oo ay ballansan yihiin December 8 ama toddobaadka dambe.

Xavi oo uu waayihiisa tababarenimo ee Barcelona u bilowday usbuucii hore, waxa bilow wanaagsan u sameeyey Memphis Depay oo rikoodhe ka dhaliyey Espanyol, xilli uu shaxda Barcelona ay ku jireen isbeddello badan oo layaab geliyey jamaahiirta.

Rikoodhka wanaagsan ee ay Barcelona ay ka haysato Villarreal ayaa Xavi siinaya niyad wanaagsan, halka Emery ay ku tahay bar madow. 26kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, Villarreal awood uma aanay yeelan inay ka badiso Barcelona.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Villarreal vs Barcelona

Tartanka: Horyaalka LaLiga

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio de la Ceramica

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Villarreal waxa ka maqan Gerard Moreno oo seegay ciyaartii Man United, lamana filayo inuu soo kabasho mucjiso ah sameeyo caawa, hase yeeshee Unai Emery ayaa haysta dookhyo kale oo uu ciyaarsiiyo, sida Alfonso Pedrazza, Francis Coquelin iyo Boulaye Dia oo dhamaantood taam u ah inay kasoo muuqdaan kulankan.

Yellow Sabmarines waxa la filayaa inay ku ciyaarto qaab 4-3-3 ah, taas oo ka dhigan inay Arnaut Danjuma iyo Yeremi Pino ay garbaha ka dheeli doonaan.

Barcelona waxa dhaawacyo kaga maqan Sergi Roberto, Pedri, Ansu Fati, Sergio Aguero iyo Martin Braitwaite, iyadoo uu laacibka reer Argentina ee Aguero ay u badan tahay inuu ciyaaraha ka fadhiisan doono maadaama uu wadne xanuun kusoo booday. Ronald Araujo oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Benfica ayaa sidoo kale uu shaki ku jiraa.

Sidaas oo ay tahay, Oscar Mingueza ayaa soo laabtay oo ay u badan tahay inuu ka ciyaaro difaaca midig, halka Ousmane Dembele uu raadinayo inuu kusoo bilowdo kaddib dhaawac uu kasoo laabtay.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Villarreal: Rulli; Foyth, Albiol, Torres, Pedraza; Parejo, Coquelin, Capoue; Pino, Dia, Danjuma

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Pique, Garcia, Alba; Nico, Busquets, De Jong; Dembele, Memphis, Gavi

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada