Hordhac: Liverpool vs Southampton – Reds Oo La Wareegaysa Kaalinta 2aad, Rikoodhka Jurgen Klopp Ee Saints, Xogta Xiddigihii Dhaawacnaa & Shaxaha Kulanka

Advertisements

Kooxda kubadda  cagta Liverpool ayaa garoonkeeda ku qaabbilaysa Southampton kaddib guulihii waaweynaa ee ay ka gaadheen FC Porto iyo Arsenal. Liverpool waxay si ku-meelgaadh ah ula wareegi doontaa kaalinta labaad oo ay kala bixi doonto Man City haddii ay ka  badiso Southampton, waxaanay hal dhibic u jirsan doontaa Chelsea oo hoggaanka haysa, isla markaana berri oo Axad ah la ciyaari doonta Manchester United.

Liverpool ayaa ciyaartan imanaysa iyadoo kusoo laabatay jidka guusha horyaalka Premier League kaddib guul-darradii West Ham United iyo barbarrihii ka horreeyey ee Brighton.

Advertisements

Southampton ayaa iyaduna guul-darro 2-1 ah waxay ciyaarteedii ugu dambaysay kala kulantay Norwich City oo kaga soo baxday kaalinta ugu hoosaysa horyaalka, sarena ugu soo dallacday 19aad.

Xaqiiqooyin muhiim ah

  • Liverpool waxay guuleysatay toddoba ka mid ah sideeddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ee ay waajahday Southampton, waxaase 1-0 lagag abadiyey bishii January ee xilli ciyaareedkii hore, waqtigii ay xiddigaha waaweyn ka dhaawacnaayeen.
  • Intii ka dambaysay guushii September 2013 ee 1-0 ay ku heshay Anfield, Southampton libin kalama soo laaban garoonka Liverpool toddobadii ciyaarood ee ka dambeeyey ee ay martida ku noqotay, kuwaas oo shan ka mid ah lagu soo garaacay, laba jeerna ay barbarro ku gashay. Afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxa laga dhaliyey 12 gool, iyaguna waxba ma aanay dhalin.
  • Liverpool lagama badin 25 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay ciyaartay maalin Sabti ah oo ay saacadda Geeska Afrika tahay 6pm waxaanay badiyeen 22 halka ay saddexna barbarro galeen. In laga badiyo ciyaar waqtigan ay bilaabatay waxa ugu dambaysay February 2017 oo ay iska hor yimaaddeen kooxda heerka hoose u dhacday ee Hull City.
  • Liverpool waa kooxda kaliya ee goolal dhalisay dhamaan 12kii ciyaarood ee horyaalka ee ay dheeshay xilli ciyaareedkan. Liverpool waa kooxda ugu gool-dhalinta badan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaanay saxeexday 35 gool.

Xogta kulanka

Advertisements

Ciyaarta: Liverpool vs Southamtpon

Tartanka: Horyaalka Premier League

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 6pm – Saacadda Geeska Afrika.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

James Milner, Neco Williams iyo Divock Origi ayaa dhamaantood taam usoo noqday Liverpool oo ka mid ahaa xiddigaha Liveprool ee kulankii Porto, halka Diogo Jota uu isaguna kasoo doogay jug kasoo gaadhay kulankii Arsenal.

Naby Keita ayaa la filayay inuu soo laaban karo ciyaarta maanta ee Southampton, hase yeeshee laacibka heerka caalamni ee reer Guinea, waxa uu wali liiska maqaneyaasha kula jiraa Roberto Firmino, Curtis Jones, Harvey Elliott iyo Joe Gomez.

Taylor Morton ayaa ciyaaray 90 daqiiqadood ciyaartiisii ugu horreysay ee Champions League, waxaana uu laacibkani booska u bannayn doonaa Jordan Hendersoniyo Fabinho oo khadka dhexe kula soo laaban doona Thiago Alcantara.

Dhinaca Southampton, Nathan Redmond ayaa seegay kulankii Norwich sababtuna waxay ahayd canug yar oo u dhashay, taas oo ka dhigan inuu soo laaban doono maanta, hase yeeshee Styuart Armstrong ayaan ku jirin xisaabta halka Moussa Djenepo uu shaxda koowaad kasoo muuqan doono.

Shaxaha macquulka ah:

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Jota, Mane

Southampton: McCarthy; Livramento, Salisu, Bednarek, Walker-Peters; Redmond, Ward-Prowse, Romeu, Elyounoussi; Adams, Armstrong

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada