HORDHAC: Chelsea v Liverpool – FA Cup Final – Tuchel Iyo Klopp Oo Markii Labaad Sanadkan Final Ku Kulmaya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

Advertisements

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa caawa ku ballansan gegida Wembley Stadium oo ay ku kala qaadi doonaan tartanka FA Cup oo ay ciyaartiisa kama dambaysta ah iskugu soo baxeen.

Waxa xusid mudan in kulan xiiso badan oo isla gegidaas labada kooxood ku dhex maray bilo kahor ay ku wada ciyaareen Final-ka Carabao Cup iyadoo Liverpool ay rigoorayaal ku qaaday.

Advertisements

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Chelsea ayaa war aad u wanaagsan heshay waxaana fursad ay kulanka ugaga qayb qaataan haysta Mateo Kovacic oo kulankii ugu dambeeyay ee Leeds ku dhaawacmay iyo N’Golo Kante oo horeba dhaawac ugu maqnaa.

Advertisements

Blues ayay markale ka maqnaan doonaan Ben Chilwell iyo Hudson-Odoi. Tababare Thomas Tuchel ayaa xiddigo uu keydka ku nasiyay kulankaas u dambeeyay dib ugu soo bilaabi doona shaxdiisa.

Romelu Lukaku oo labadii kulan ee ugu dambeeyay saddex gool soo dhaliyay ayay macquul tahay inuu kasoo hormaro Kai Havertz.

Dhinaca Liverpool waxa ka maqnaan doona khadka dhexe ee Fabinho taas oo keenaysa inuu doorkiisii ka ciyaaro kabtan Jordan Henderson oo caawimo ka helaya Thiago Alcantara iyo Keita.

Joel Matip ayaa lagu wadaa inuu doorka daafaca dhexe kaga soo horreyn doono Ibrahima Konate halka ay u badantahay in Luiz Diaz gacanta sarre ka heli doono Diogo Jota.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Loftus-Cheek, Jorginho, Alonso; Mount, Pulisic; Lukaku

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Keita, Henderson, Thiago; Salah, Mane, Diaz

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup Final

Garoonka: Wembley Stadium

Wakhtiga: 6:45 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Craig Pawson

Macluumaad Dheeraad Ah

Advertisements
  • Chelsea ayaa markii afraad shan sano gudaheed soo gaadhay Final-ka FA Cup balse saddexda jeer ee hore laba kamid ah ayaa laga qaaday
  • Liverpool ayaa rekoodh 50/50 ah ka haysata Final-ada FA Cup iyadoo toddoba jeer kusoo guuleysatay 14 FA Cup oo ay timid
  • Chelsea ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee saddex FA Cup Final ee xidhiidh ah usoo baxda tan iyo Arsenal 2000 ilaa 2003
  • Liverpool ayaa doonaysa ku guuleysiga laba koob ee maxaliga ah tan iyo 2000-01

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada