HESHIIS BUUXA: Arsenal Oo Saxeexeedii Koowaad Ee Xagaaga Heshay & Booska Uu Ka Ciyaaro

Advertisements

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid dalka Brazil ka heshay saxeexeedii koowaad ee suuqa xagaaga iyadoo qarka u saaran inay heshiis rasmi ah Sao Paulo kala gaadho da’yarka Marquinhos.

Arsenal ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay saxeexa Marquinhos oo 19 sano jir ah wadahadalo kagala jirtay Sao Paulo haatana waxay u eegtahay in labada kooxood heshiiyeen.

Advertisements

Shabakadda GOAL oo ah mida xogtan laga helay ayaa loo sheegay in Arsenal ay saxeexa Marquinhos ku helayso 3 Milyan oo pound.

Arsenal ayaa ka faa’idaysatay xaalada ka dhex taagnayd Marquinhos iyo Sao Paulo iyadoo kooxdu ka cabsi qabtay in ciyaaryahanku si bilaash ah kaga tago walow heshiiskiisu ilaa 2024 gaadhsiisnaa.

Advertisements

Marquinhos ayaa ah garab weerar oo hibo wanaagsan leh balse sidoo kale ka ciyaari kara doorka weeraryahanka dhexe. Xiddigaas dhashay sanadkii 2003 ayaa ku ciyaara lugta bidix.

Arsenal ayaa Marquinhos u aragta xiddig mustaqbalka kooxdeeda qayb ka noqon karaya waxaana lagu wadaa in kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka uu tababarka la qaadan doono kooxda koowaad.

Saxeexa Marquinhos ayaan saamayn doonin qorshayaashii Arsenal ee suuqa xagaaga, kooxda waqooyiga London ayaa doonaysa saxeexyada laba weeraryahan oo heer sarre ah.

Gunners ayaa wadahadalo kula jira weeraryahanka Manchester City kasii socda ee Gabriel Jesus sidoo kalena waxa ay xiisaynayaan Dominic Calvert-Lewin, Tammy Abraham iyo Jonathan David.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada