“Halkan Inaad Kubad Ciyaartaan Ayaad U Joogtaan Ee Maaha….” – Muuqaal La Helay Oo Muujiyana Bruno Fernandes Oo Jeex-Jeexaya Fred Iyo Telles

Advertisements

Waxa soo baxay muuqaal uu wadahadal ku dhex marayo khadka dhexe ee Manchester United ee Bruno Fernandes iyo xiddigaha ree Brazil ee kooxdaas ee Alex Telles iyo Fred.

Xiddigaha ree Brazil ayaa muuqaal ku duubayay meel dibada ka ah xerada tababarka Man United xilli uu u sheegayo Bruno inay joojiyaan duubistaasi oo aysan shaqadooda ahayn.

Advertisements

Muuqaalka ay duubayeen ayaa ahaa mid uu gaar u leeyahay Alex Telles oo ka warramaya sida ay u eegtahay hal maalin nolosha ciyaaryahan iyadoo loo duubayay wakaalada xayaysiiska Brazil ee O Clube Football.

Muuqaalka oo dhawaan baraha bulshada ku faafay ayuu Bruno ugu horreynba ku odhanayaa Fred iyo Telles “Joojiya inaad iska dhigtaan kuwo xirfad cajiib ah leh”.

Advertisements

“Waxaad halkan u joogtaan inaad kubadda cagta ciyaartaan ee uma joogtaan inaa duubtaan” ayuu yidhi Fernandes oo intaas kaddibna erayo cay ah u raaciyay.

Fred iyo Telles oo u muuqda kuwo la yaaban hadalka kaga soo duulay dhinaca 27 sano jirkaas ayaa ugu jawaabay “Is-daji doqon yahaw”.

Marka laga yimaado in dhacdadani tahay mid kaftan ah oo ka dhaxaysa xiddigaha luuqada Portuguese-ka ku wada hadla ee Man United haddana taageerayaasha kooxdaas ayaa habdhaqanka kabtanimo ku amaanay Fernandes.

Advertisements

Image

3 Fekradood

  1. Ugaas waxaaan hanooo sooqor meeloo uu socdo lama fahmaaayo fdlan laacib waa qabiir import suuqa kala iibka kahadal iyo kagadal kooxda thanks

  2. Xage mare shekadi dejong iyo Anthony United ma ka hartay mise way ku daba jirta tels iyo fred waxay yihin ma rabne

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada