“Haddii Ay VAR Dib U Eegi Lahayd….” – Pochettino Oo Sheegay Go’aanka Qaladka Ahaa Ee Real Madrid Kaga Reebtay CL Kooxdiisii PSG

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay go’aanka uu wali ka quusan la’yahay ee ay xilli ciyaareedkii hore Real Madrid kaga cidhib-tirtay UEFA Champions League.

PSG ayaa kulankaas lugta labaad ee ka dhacayay Santiago Bernabeu 1-0 ku hoggaaminaysay halka ay isku gaynta labada ciyaarood 2-0 lahayd kahor inta uusan Karim Benzema xilli dambe saddexley ku dardarin.

Advertisements

Pochettino ayaa waraysi uu siiyay ilwareedka Infobae ku sheegay inuu wali ka quusan la’yahay goolkii koowaad ee Benzema ee soo celiyay rajada Real Madrid oo uu u arkayay mid uu weeraryahanka French-ka ahi qalad cad ku galay goolhaye Gianlugi Donnarumma.

Mauricio ayaa aaminsan in dhacdadaas oo aysan aalada VAR dib u eegis ku samayn haddii dib loo eegi lahaa ay haatan ka wada hadli lahaayeen qaabkii ay Madrid uga reebeen Champions League.

Advertisements

“Waxaan filayaa qaladkaas, haddii ay dib u eegis ku samayn lahayd VAR waxaynu ka wada hadli lahayn waxkale, hadhitaankii Madrid” ayuu yidhi Poch.

Pochettino ayaa diiday inuu fashil ku sifeeyo wakhtigiisii Parc des Princes halka uu sidoo kale si weyn u amaaney saddexleyda weerar ee Lionel Messi, Neymar iyo Kylian Mbappe.

“Messi waa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida, kaddib way cadahay in Mbappe uu u sharaxan yahay darajadaas marka xigta, aniga ahaan Neymar sidoo kale waa mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan dunida, mid kamida waxyaabaha ugu wanaagsan ayay ii ahayd inaan barto oo aan xaaladahan oo kale ku tartamo”.

Advertisements

Real Madrid knock out PSG - Global Times

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada