“Hadaan Koobab Badan Doonayo Waxaan Tagi Lahaa….” – Klopp Oo Sheegay Kooxda Uu Qaban Lahaa Haddii Uu Koobab Sahlan Doonayo

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu shaqadeeda tababarenimo qaban lahaa haddiiba uu doonayo inuu koobab markasta si sahlan ugu guuleysto.

Klopp ayaa sheegay inuusan werwer badan ka qabin tirada koobabka ah ee uu doonayo inuu qaado waayihiisa ciyaareed haddii kale uu mar hore qaban lahaa shaqada Bayern Munich.

Advertisements

Kooxda Klopp hormoodka u yahay ayaa maanta haysata fursad ay koobkii labaad xilli ciyaareedkan gudihiisa ku qaadi lahayd iyadoo wali afartii koob ee ay qaybta ka ahayd fursado fiican u haysata hanashadooda.

Klopp ayaa haddii uu maanta FA Cup kaga guuleysto Thomas Tuchel iyo Chelsea ay u noqon doontaa koobkiisii 11-aad ee waayihiisa macalinimo ee 21 sano kahor soo bilaabmay.

Advertisements

Klopp oo wax laga weydiiyay tirada koobabkiisa iyo haddii uu inuu kordhiyo u baahan yahay ayaa ku jawaabay “Kooxdee ayaan tagaa si aan xaalad ka duwan u galo? Ii sheeg”.

“Waxa kaliya ee aan samayn karaa waa inaan Pep (Guardiola) weydiiyo haddii uu guulahaas badan ku xanuusaday oo aan kala wareego (Manchester) City, ma sidaasaa fikradu? taasi ma shaqayn doonto, Ma doonayo inaan sidaas sameeyo”.

“Dhawr mar ayaan tagi karayay Bayern, koobab intan ka badan ayaan noloshayda ku guuleysan karayay, waan hubaa inaan odhan lahaa ugu yaraan fursad fiican ayaad koob u haysataa halkan. Maan samayn, heshiis ayaan halkan ku joogay oo marnaba sidaas ma samayn. Taasi gabi ahaanba waa caadi”.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada