Walow ay dhawaan la wareegeen mashiinkii goolasha Borussia Dortmund ee Erling Haaland haddana Manchester City ayaan u muuqan mid sidaas ku dhammaatay, waxay haatan isha ku hayaan Joao Felix oo Atletico Madrid ka tirsan sida uu sheegayo saxafi Bruno Andrade.
City ayaa haatan in mudo ahba isha ku haysay saxeexa Joao balse Atletico ayaa ka difaacatay marar kala duwan, saxafi Bruno Andrade ayaa haatan sheegaya in tababare Pep Guardiola uusan ilaawin oo wali xiisaynayo Felix.
Pep ayaa doonaya in weerarka uu xilli ciyaareedka dambe ku dagaal galayo ay kamid noqdaan Haaland oo uu haatanba gacanta ku hayo iyo Felix.
Laakiin si ay u helaan Felix ayay tahay inay marka hore iibiyaan qaar kamida xiddigaha ay haatanba haystaan, ugu horreynba Gabriel Jesus ayaa u muuqda mid ka degay Arsenal iyadoo heshiiskiisa waxyari ka hadhsan yihiin.
Sidoo kale Sky Blues ayaa u muuqda kuwo diraya Raheem Sterling oo la filayo inay toddobaadyada soo socda Chelsea oo lala xidhiidhinayaa soo xoojiso doonistiisa.
Warbixino kale ayaa haatan sheegaya in tababare Diego Simeone uusan Felix u arkin mid lama taabtaan ah isla markaana wakiilkiisu xidhiidh la sameeyay kooxo badan oo ay Paris Saint-Germain kamid tahay.
Wale peP nin dagaal galaYa iila muuqata ani ahaan lkn dhinaca barcelona hadi liwaNdewizku diido ozman dembele ha hayzato ka no khyrone