Gundogan Oo Shaaca Ka Qaaday Fariintii Deg-Dega Ahayd Ee Uu Ka Helay Macalinkiisii Jurgen Klopp Markii Uu Premier League Seejiyay

Advertisements

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa ka hadlay farriintii uu ka hadlay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp kaddib markii uu dhawaan kooxdiisa ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Premier League.

Man City ayaa kasoo laabatay laba gool oo ay hoggaanka uga haysay Aston Villa waxaana laba kamida saddexda gool ee guushaasi horyaaalka ku hoggaamisay.

Advertisements

Goolashaas Gundogan ayaa ka dhigan in tababarihiisii hore ee Borussia Dortmund ay kusoo wada shaqeeyeen ee Klopp uu waayay horyaalka isaga oo horkacayay Liverpool oo hal dhibic looga qaaday.

Haddaba, Gundogan ayaa sheegay in Klopp uu sameeyay wax aad u wanaagsan oo uu ahaa mid kamida shaqsiyaadkii ugu horreeyay ee ugu soo hambalyeeyay inuu ku guuleystay horyaalka.

Advertisements

31 sano jirkaas asal Turkish-ka ah oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Isagu waxa uu ahaa mid kamida kuwii ugu horreeyay (Ee isoo hambalyeeya)”.

“Markasta waxa uu midkaayaba midka kale kula dhaqmaa ixtiraamka ugu badan, Isagu xilli ciyaareed kale oo wanaagsan ayuu kusoo qaatay Liverpool anagana nolosha ayuu aad noogu adkeeyay, Isagu waa nin iyo tababare wanaagsan taasina sanadihii lasoo dhaafay ayuu muujiyay”.

Gundogan oo sidoo kale ka hadlay kulankaas Aston Villa ayaa sheegay inuu goolka guushu ahaa midkiisii ugu muhiimsanaa waayihiisa ciyaareed.

Advertisements

Image

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada