“Guardiola Xataa Muu Doonayn!!” Xiddig Barcelona Ah Oo Cod Uu Ku Xamanayo Ferran Torres La Helay

Advertisements

Barcelona ayaa suuqii January Manchester City kala soo wareegtay garabka weerar ee Ferran Torres, walow uu goolal badan ka qayb qaatay haddana xiddiga heer caalami ee xulka Spain ayaa kulamada qaar ahaa mid aad u liitay.

Hore ayaa loo helay qish ah in madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu sheegay in Pep Guardiola uu ku siray xiddig ay ku adagtahay inuu gool dhaliyo.

Advertisements

Haatan waxa soo baxay cod aad ugu baahay baraha bulshada oo muujinaya sida uu khadka dhexe ee Barcelona ee Riqui Puig ugu maadsaday mar Torres.

Codkan oo uu helay saxafi Joan Fontes ayaa ah mid Puig laga qabtay xilli uu la sheekaysanayo dad barayay hab wadista baabuurka bilawgii sanadkan gaar ahaan bishii February.

Advertisements

Ferran Torres ayaa codkaas ku sheegay sida uusan Guardiola u qiimayn jirin Torres waxaana uu odhanayaa “Ferran Torres miyaa? Guardiola xataa ma doonayn, 12 kulan ayuu ciyaaray sanadkii hore”.

Torres ayaa xilli ciyaareedkii hore qaybtiisii hore ee uu Etihad Stadium joogay kaliya lix kulan soo ciyaaray kahor heshiiskii 46-ka Milyan ee pound ahaa ee uu Camp Nou ugu wareegay isagoo inta badan dhaawac ku maqnaa.

Arrinta xiisaha u yeeshay codkan laga soo qishay Puig ayaa ah inuu isagu yahay midka dhibane usoo ahaa tababarayaal badan oo aan xataa ciyaarsiin jirin kulamada qaar aysan haysan xiddigo khad dhexe oo kale.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada