Goorma Ayaa La Bixinayaa Abaal-marinta Xiddiga Adduunka Ee Ballon d’Or?

Advertisements

Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa dib usoo laaban doonta kaddib markii la joojiyey bixinteeda sannadkii hore ee 2020 sabab la xidhiidhay Fayraska Korona. Lionel Messi ayaa ah ciyaartoygii ugu dambeeyey ee la  guddoonsiiyey, waxaanay u ahayd markii lixaad.

December 2019 ayuu Lionel Messi ku garaacay xiddigaha Liverpool iyo Manchester United ee Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo oo labaad iyo saddexaad kala galay.

Advertisements

Laga soo bilaabo sannadkii 1956kii oo wargeyska France Football uu aasaasay abaal-marintan, waxa la bixiyey 64 jeer, kuwaas oo ay ku jiraan lix sannadood oo ay FIFA iskaashanayeen, magacana loo wareejiyey ‘FIFA World Player of the Year’, hase yeeshee sannadkii 2016 ayuu dib usoo laabtay magacii hore ee Ballon d’Or oo ay FIFA ka maqani tahay.

Maalinta Isniinta ee November 29, 2021 ayaa lagu dhawaaqi doonaa xiddiga sannadkan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana xafladda lagu qaban doonaa goobta caanka ah ee Théâtre du Châtelet ee ku taalla khooriga wabiga Seione ee caasimadda Faransiiska ee Paris. Sababta loogu qabanayo Théâtre du Châtelet ayaa lagu sheegay in lagu xusayo sannad-guuradii 1962aad ee kasoo wareegtay dhismaha tiyaatarkan oo dib loo cusboonaysiiyey sannad ka hor.

Advertisements

Fiidnimada Isniinta, abaal-marinaha lagu bixin doono goobtan waxa ka mid ah Ballon d’Or oo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ragga la siin doono, Women’s Ballon d’Or oo xiddigtii sannadka la siinayo, Trophee Kopa oo da’yarkii ugu fiicnaa uu helayo iyo Yachine Trophee oo ah goolhayihii ugu fiicnaa.

Xiddigaha u sharraxan Ballon d’Or sannadkan 2021:

Gianluigi Donnarumma (Paris Saint-Germain), Giorgio Chiellini (Juventus), Leonardo Bonucci (Juventus), César Azpilicueta (Chelsea), Rúben Días (Manchester City), Nicolò Barella (Inter Milan), Kevin De Bruyne (Manchester City), Jorginho (Chelsea), Luka Modric (Real Madrid), Bruno Fernandes (Manchester United), Phil Foden (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Manchester United), Erling Haaland (Borussia Dortmund), Harry Kane (Tottenham), N’Golo Kanté (Chelsea), Simon Kjaer (AC Milan), Robert Lewandowski (Bayern Munich), Romelu Lukaku (Chelsea), Riyad Mahrez (Manchester City), Lautaro Martinez (Inter Milan), Karim Benzema (Real Madrid), Kylian Mbappé (Paris Saint-Germain), Lionel Messi (Paris Saint-Germain), Gerard Moreno (Villarreal), Mason Mount (Chelsea), Neymar (Paris Saint-Germain), Pedri (Barcelona), Mohamed Salah (Liverpool), Raheem Sterling (Manchester City), Luis Suárez (Atlético Madrid).

Xiddigaha haweenka ah ee u sharraxan Ballon d’Or:

Kadidiatou Diani (Paris Saint-Germain), Fran Kirby (Chelsea), Jennifer Hermoso (Barcelona) Christiane Endler (Olympique Lyon), Christine Sinclair (Thorns FC), Ashley Lawrence (Paris Saint-Germain), Irene Paredes (Paris Saint-Germain, Barcelona), Jessie Fleming (Chelsea), Lieke Martens (Barcelona), Sandra Paños (Barcelona), Vivianne Miedema (Arsenal), Ellen White (Manchester City), Pernille Harder (Chelsea), Sam Mewis (North Carolina Courage), Wendie Renard (Olympique Lyon), Marie-Antoinette Katoto (Paris Saint-Germain), Stina Blackstenius (Hacken), Magdalena Eriksson (Chelsea), Sam Kerr (Chelsea), Alexia Putellas (Barcelona).

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA