Go’aanka Man United Ka Gaadhay Mustaqbalka Ronaldo, Xiddigaha Arsenal Laga Fasaxayo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Arsenal ayaa ku kalsoon inay Man United ku garaaci doonto heshiiska 30-ka Milyan ee pound ku qabsoomaya ee xiddiga Leicester City ee Youri Tielemans. (Sun)

Manchester United ayaa dalab 51 Milyan oo pound ah ka gudbisay Antony balse kooxdiisa Ajax ayaa 68 Milyan pound ku doonaysa. (Goal)

Advertisements

Chelsea ayaa dalab 38 Milyan oo pound ah u diyaarinaysa khadka dhexe ee Sporting Lisbon ee Matheus Nunes oo sidoo kale bartilmaameed u ah Wolves. (A Bola – in Portuguese)

Everton ayaa da’yarkeeda Antony Gordon heshiis cusub u bandhigaysa si ay meesha uga saarto xiisaha Newcastle. (Times – subscription required)

Advertisements

Everton ayaan sidoo kale ku fikirayn inay iibiso weeraryahan Dominic Calvert-Lewin waxaana suurogal ah inay qudhiisa heshiis cusub u bandhigto.(Mirror)

Arsenal ayaa doonaysa inay iibiso toddoba xiddig oo ay ku jiraan saxeexa rekoodhka kooxda ah ee Nicolas Pepe iyo goolhaye Bernd Leno si ay uga samayso lacag ay saxeexyo kale ku doonato. (Sun)

Fulham ayaa ku jirta wadahadalo ay Arsenal kaga qaadanayso goolhaye Leno. (West London Sport)

Leeds ayaa u sheegtay Barcelona inay toddobaadkan dalab kasoo gudbiso Raphinha maadaama oo ay doonayaan in deg-deg loo xaliyo mustaqbalka 25 sano jirkaas. (Sport – in Spanish)

Crystal Palace ayaa ku kalsoon inay Nottingham ku garaaci doonto saxeexa khadka dhexe ee Wolves ee Morgan Gibbs-White. (Talksport)

Palace ayaa sidoo kale Swansea kula jirta wadahadalo ay kaga doonayso khadka dhexe ee Flynn Downes heshiis ku kacaya £8m. (Mail)

Tottenham ayaa ku dhaw heshiis 15 Milyan oo pound ah oo ay daafaca midig ee Djed Spence  kaga soo qaadanayso Middlesbrough. (Telegraph – subscription required)

Nottingham Forest ayaa rajaynaysa inay toddobaadkan dhammaystirto daafacyada Bayern Munich iyo Liverpool ee Omar Richards iyo Neco Williams. (Athletic – subscription required)

Man United ayaa ogolaatay inay iska fasaxdo Ronaldo xagaagan, waxay ogaadeen inaysan hor istaagi karin mana doonayaan inuu wakhti badani kaga lumo. (The Sun)

Southampton ayaa sidoo kale Williams xiisaynaysa oo rajaynaysa inay ku garaacdo Nottingham. (Football Insider)

Club Brugge ayaa diiday dalab ay Leeds kasoo gudbisay weeraryahan Charles De Ketelaere oo doorbidaya inuu u wareego AC Milan. (HLN – in Dutch)

Jesse Lingard ayaa u duulaya Maraykanka kahor si uu wadahadalo ula yeesho laba kooxood oo horyaalka MLS ah kaddib dhicitaankii heshiiskiisa Man United. (ESPN)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada