Geesiga Xulka England Ee Kalvin Phillips Oo Madaxa Ka Dhaawacmay, Dhakhaatiirta Oo La Tacaalaysa & Sida Wax U Dhaceen

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka England iyo kooxda Leeds United ayaa madaxa dhaawac kasoo gaadhay kaddib shil uu ku galay hotel lagu caweeyo oo ay kooxdiisu ku samaynaysay dabbaal-deg ay kusoo dhoweynaysay Ciidda Masiixiga.

Leeds United oo Axaddii guul-darro 2-1 ah kala  kulantay Tottenham ayaa waxay ciyaartoydeeda u fasaxday inay tagaan xaflad lagu qabanayay goobta caanka ah ee Cirque Le Soir oo ay kusoo caweeyeen.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Kalvin Phillips ayaa shil ku galay caweyskaas, waxaana uu dhaawac ka gaadhay madaxa, kaas oo keenay inay qaybo jidkiisa ka mid ahi go’aan.

Dhakhaatiirta Leeds United ayaa  gacanta ku haysa xaaladda laacibkan, waxaanay qiimayn doonaan xaaladdiisa  ka hor inta aan loo ogolaanin inuu qayb ka noqdo tababarka kooxdiisu ay iskugu diyaarinayso ciyaarta Sabtida ee Brighton.

Advertisements

Warka ayaa intaa ku daray in Phillips ay xaaladdiisu fiican tahay oo aanu khatar badan gelin, isla markaana uu ciyaari doono kulanka Sabtida oo ay u baahan yihiin inay guul ka keenaan si ay sare ugu soo kacaan maadaama ay hadda fadhiyaan kaalinta 17aad oo ay kaliya laba dhibcood ka sarreeyaan khadka cas ee dib loogu noqdo heerka labaad.

Tababare Marcelo Bielsa ayaa la sheegay inuu bixiyey fasaxa ciyaartoydiisu ay ku tageen xafladdan habeennimo si ay dibedda iskugu soo illowsiiyaan guul-darradii Tottenham iyo xilli-ciyaareedka xun ee ay ku jiraan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA