Garsoore Mike Dean ayaa sharaxaad ka bixiyay qaar ka mid ah ficiladii ugu hadal-heynta badnaa ee uu sameeyay intii uu garsoore ka ahaa horyaalka Premier League.
Garsoorahaan ayaa shaqada ka fariisanaya todobaadkan isagoo soo gabagabeynaya 22 sannadood uu garsoore ka ahaa Premier League.
Dean oo 53 sanno jir ah ayaa lagu xusuustaa waxyaabo badan, wuxuuna ka jawaabay qaar ka mid ah ficiladii uu sameeyay ee ugu hadal-heynta badnaa.
Ka hor kulan Manchester Derby ah, Dean ayay kaamirada qabatay isagoo si qariib ah u urinaya funaanada calanwadihiisa.
Isagoo ka hadlayay dhacdadaas, wuxuu u sheegay Sky Sports: “Isaga ma aheyn waxaan urinayay, waxaan urinayay funaanadiisa.
“Saliid aan aqoon ayuu funaanadiisa mariyay, saliida waxay laheyd ur qarmuun oo laga dareemay qolalka labiska, urka qarmuun wuu go’i waayay, aad ayuuna u xumaa sidaasi darteed waa ursaday funaanadiisa.”
Garsoore Mike Dean ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu u dabaaldegay goolkii Mousa Dembele uu u dhaliyay Tottenham kulankii Aston Villa ee sannadkii 2015.
Wuxuu tilmaamay inuu u dabaaldegayay go’aankiisii ahaa inay Tottenham ka faa’ideysi sameyso inkastoo qalad lagu galay.
Wuxuu yiri: “Uma maleynayo inaan u dabaaldegayay goolka Spurs, waxaan u dabaaldegayay go’aankeyga cajiibka ahaa ee aan ku ogolaaday inay Tottenham ka faa’ideysi sameyso bedelkii aan laad xor ah u dhigi lahaa.
“Haddii aan ciyaarta sii wado oo aan la faa’ideyso ogolaado islamarkaana uu go’aankaas gool keeno, aniga ayaa isku amaano, laakiin si u la kac ah uma sameeyo.”
Dean ayaa caawa noqon doona garsooraha VAR ee kulanka Everton iyo Crystal Palace ka hor inta aan Axada loo dhiibin kulankiisii ugu danbeeyay ee Premier League.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora