Erik ten Hag Oo Go’aan Ka Gaadhay Lisandro Martinez & Raphael Varane Midkooda Kusoo Bilaabanaya Kulanka Brighton Ee Axadda

Advertisements

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa go’aan ka gaadhay midka kusoo bilaaban doona labada difaac dhexe ee Lisandro Martinez iyo Raphael Varane kulanka Axadda ay ku qaabbilayaan Brighton ee ka dhici doona Old Trafford.

Erik ten Hag ayaa kulankiisa koowaad ee horyaalka Premier League ku ciyaari doona Old Trafford oo ay kusoo dhoweynayaan Brighton oo xilli ciyaareedkii hore ku xasuuqday qalcaddan.

Advertisements

Saxeexyada cusub ee Lisandro Martine, Christian Eriksen iyo Tyrell Malacia ayaa dhamaantood diyaar u ah ciyaartan, waxaana la filayaa in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu kusoo bilowdo kaddib dhaawaca soo gaadhay Anthony Martial.

Jamaahiirta Manchester United ayaa u dheg taagaya sida ay noqon doonto xulashada tababare Erik ten Hag ee kulanka koowaad ee horyaalka Premier League, hase yeeshee macallinka reer Netherlands ayaa durba go’aan kasii gaadhay hal boos oo la caddeeyey ciyaartoyga uu u xulan doono.

Advertisements

Xog uu helay wargeyska AS  ayaa sheegtay, in Erik ten Hag uu difaaca dhexe kusoo bilaabi doono Lisandro Martinez  oo £56.7 milyan oo Gini ay kaga soo iibsadeen Ajax, isla markaana kursiga kaydka uu geli doono difaacii hore ee Real Madrid ee Raphael Varane.

Lisandro Martinez ayaa kusoo garab bilaaban doona kabtan Harry Maguire, waxaanay uu daafaca reer Argentina fursad u haystaa in uu xoraysto booskaas, isla markaana kaydka si buuxda ugu diro Varane oo isaguna rajaynaya in aanu ka bixi doonin xulashada shaxda koowaad.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa u baahan in ay guul ku aftaxdo xilli ciyaareedkeeda cusub, si ay ugu tartami karaan kaalmaha sare oo saadaaliyeyaasha ciyaaruhu ay sheegayaan in Red Devils aanay ka mid noqon doonin afarta sare.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada