Eden Hazard Oo Shaaciyey Go’aankii Ugu Dambeeyey Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kaddib Saddex Sannadood Oo Uu Ku Dhibaatooday Real Madrid

Advertisements

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalkiisa kaddib saddex sannadood oo uu ku dhibaatooday Real Madrid oo inta badan uu dhaawacyo u jiifay.

Hazard oo sannadkii 2019 ay Real Madrid kasoo iibsatay Chelsea ayaa waqtigaas saxeexay heshiis shan sannadood ah oo saddexdii ugu horreeyey uu dhamaystay, halka laba kalena ay u hadhsan yihiin. Hase yeeshee waxa jiray warar sheegaya in laacibkani uu ka tegi doono kooxda xagaagan maadaama qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay intii uu dhaawacyada u jiifay, isla markaana aanu booska ka riixan karayn Vinicius Junior oo garabka midig ee uu laacibkani ka ciyaaro si fiican iskugu muujiyey.

Advertisements

Tababare Carlo Ancelotti ayaa toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay in xiddiga reer Belgium uu sii joogo doono Santiago Bernabeu xilli ciyaareedka dambe, hase yeeshee waxa la sugayay inta uu Hazard go’aankiisa shaacinayo.

31 jirkan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey, in hadalka Carlo Ancelotti uu dhab yahay oo uu sii joogayo xilli ciyaareedka dambe, waxaanu yidhi: “Qof walba wuu ogyahay in aan haysto qandaraas soconaya illaa sannadka 2024.

Advertisements

“Saddexdaydii xilli ciyaareed ee hore ma aanay ahayn kuwo wanaagsan, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan tuso qof walba waxa aan samayn karayo. Mar walba riyo ayay ii ahayd in aan u ciyaaro Real Madrid, walina way ii tahay.”

Hazard oo lacag ka badan €100 milyan oo Euro ay Real Madrid kaga soo iibsatay Chelsea, ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa inuu ciyaaro kulanka finalka Champions League ee ay kooxdiisu Sabtida ku waajahayso Liverpool, waxaana uu xasuus fiican ka haystaa kulamada uu ka hor tago kooxda horyaalka Premier League ee Liverpool oo uu shan gool ka dhaliyey intii uu joogay Chelsea.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada