Doonista Chelsea Ee Ronaldo, Kooxda Neymar Ku Biiri Karo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Chelsea ayaa u furan inay weeraryahan Timo Werner ku darto heshiis ay Juventus kaga soo bedelanayso daafaca Matthijs de Ligt. (Sky Sports)

Manchester United weeraryahankeeda Cristiano Ronaldo ayaa ahaa mid kamida qodobada ay ka wada hadleen mulkiilah Chelsea ee Todd Boehly iyo wakiil Jorge Mendes. (The Athletic – subscription required)

Advertisements

Roma ayaa xiisaynaysa Ronaldo oo ay doonayaan inay dib ula mideeyaan Jose Mourinho. (Retesport – in Italian)

Ronaldo ayaa ku laaban kara kooxdiisii ugu horreysay ee Sporting Lisbon. (Sun)

Advertisements

Manchester United ayaa aad ugu kalsoon saxeexa khadka dhexe ee Frankie De Jong iyaga oo ku dhaw inay 69 Milyan oo pound kula heshiiyaan Barcelona. (Goal)

Porto ayaa rajaynaysa in Liverpool soo xoojiso xiisaheeda garabka weerar ee Otavio kaddib markii ay dalab 26 Milyan oo pound ah ka diideen Leeds United. (Mirror)

Arsenal ayaa kor u qaadaysa xiisaheeda garabka Leeds United, Gunners ayaa ah kooxda ugu cad cad inay dhammayso heshiiska 25 sano jirkaas. (The Athletic- subscription required)

Juventus iyo PSG ayaa furay wadahadalka heshiis ay kula kala wareegayaan Neymar oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Chelsea. (AS – in Spanish)

Chelsea tababaraheeda Thomas Tuchel  ayaa xidhiidh la sameeyay garabka Man City ee Raheem Sterling oo lala xidhiidhinayo. (Telegraph – subscription required)

Chelsea ayaa wada doonaysa Sterling iyo Ousmane Dembele oo bilaash kaga tagaya Barcelona xilli ay kooxdu qorshaynayso inay xagaagan ku bixiso suuqa lacag dhan £150m. (Mail)

Nottingham Forest ayaa ku dhaw saxeexyada daafaca midig ee Liverpool ee Neco Williams oo 15 Milyan oo pound lagu qiimeeyo iyo khadka dhexe ee Wolves ee Morgan Gibbs-White oo ku kacaya £20m. (Sun)

Everton iyo Tottenham ayaa ku dhaw wadahadalada ay ku kala doonayaan khadka dhexe ee Harry Winks. (Sky Sports)

Malcolm Ebiowei ayaa diiday inuu Man United ku biiro isagoo doorbidaya inuu bilaash ugu biiro Crystal Palace xilli uu ka tagayo Derby. (Sun)

Middlesbrough daafaceeda midig ee Djed Spence  ayaa kooxda weydiistay inuu ka tago balse wali wax heshiis ah lalama gaadhin Tottenham. (Football.London)

Leeds United ayaa diyaarinaysa dalab 26 Milyan ah oo ay ka gudbinayso weeraryahanka Club Brugge ee Charles de Ketelaere. (Mail)

Bayern Munich ayaa diidan wicitaano uga imanaya Barcelona oo doonaysa Robert Lewandowski waxaana ay wali rajaynayaan inay 33 sano jirkaas sii haystaan. (Sport – in Spanish)

James Rodriguez ayaa doonaya inuu markale Yurub ka ciyaaro marka uu ka tago kooxda Al-Rayyan. (Fabrizio Romano)

Samuel Umtiti ayaa ka tagi doona Barcelona xagaagan, Girona iyo kooxo kale oo Serie A ah ayaa xiisaynaya. (Ekrem Konur)

Real Madrid xiddigaheeda Marco Asensio iyo Dani Ceballos ayaa la filayaa inay kooxda ka tagaan. (Marca – in Spanish)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada