Diego Forlan Oo Saadaaliyey Waxa Uu Darwin Nunez Kusoo Kordhin Karo Liverpool

Advertisements

Halyeyga reer Uruguay ee Diego Forlan ayaa daboolka ka qaaday waxa uu rumaysan yahay in Darwin Nunez uu kusoo kordhin karo Liverpool kaddib markii uu u wareegay Anfield xagaagan.

Forlan ayaa waxa uu sheegay, in uu hubo oo ay shaki la’aan tahay, in uu Darwin Nunez goolal badan u dhalin doono Liverpool oo uu ka caawin doono inay guulo gaadhaan.

Advertisements

Laacibkan hore ee Manchester United, Inter Milan, Atletico Madrid iyo Villarreal ayaa waxa uu sidoo kale digniin u diray jamaahiirta Liverpool oo uu u sheegay, in inta ay hadda ka arkeen Nunez ay yihiin bilow oo aanay ciyaartiisu wali si dhab ah u gaadhin heerkii ugu sarreeyay.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay, waxa uu Diego Forlan sheegay, in Nunez uu u baahan yahay in uu korriin ciyaareed sameeyo, gaar ahaan dhinaca farsamada iyo khibradda, balse uu Jurgen Klopp wax  badan ka saacidi doono.

Advertisements

Darwin Nunez oo heshiis lix sannadood ah u saxeexay Liverpool ayaa waxay £85.5 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Benfica, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda isaga oo dhaafay Virgil van Dijk oo £75 milyan oo Gini ay sannadkii 2018 kaga soo iibsadeen Southampton.

Advertisements

Gool-dhaliyahan ayaa noqonya beddelka tooska ah ee Sadio Mane oo £35.1 milyan oo Gini ugu wareegay Bayern Munich, waxay se afka hore ku tartami doonaan Roberto Firmino iyo Diogo Jota.

Liverpool ayaa xagaagan samaysay saddex saxeex, waxaana laacibkooda koowaad ee ay la saxeexdeen uu ahaa Fabio Carvajal, halka Calvin Ramsay ay isagana kala soo wareegeen Aberdeen oo loo carbinayo inuu noqdo beddelka Trent Alexander-Arnold.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada