Dhibaatada Qolka Labbiska Ka Haysata Bruno Fernandes Ee Walwalka Gelisay Erik ten Hag

Advertisements

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa rumaysan in saaxiibkood Bruno Fernandes uu isticmaalayo xeeladdo waqti iyo kubbad lumin ah, waxaanay arrintaasi kasii socotaa qolka  labbiska Red Devils oo u muuqda inuu qalalaase ka jiro.

Kubbad-sameeyaha reer Portugal ayaa qalad weyn ku lahaa guul-darradii kulankii Crystal Palace ee Axaddii, kaddib markii uu kubbad looga soo tuuray uu isaga oo aan fiirin dhinacyadiisa uu isku dayay inuu bixiyo baas uu u dhiibayay difaacyahannada dhexe, laakiin uu ay kubaddaasi lugta u gashay Wilfried Zaha oo ka dhex-qaatay, sidaana ku dhaafiyey goolhaye David de Gea.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada  Manchester, qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa rumaysan in Fernandes uu dhibaato ku yahay qaab ciyaareedka oo uu kubbado badan khasaarinayo, inkasta oo 10 gool uu dhaliyey lix kalena caawiyey xilli ciyaareedkan.

Arrintan ayaa noqotay mid farta lagu fiiqayo waqtigan oo uu shaqada kooxda la wareegayo tababare Erik ten Hag oo laga sugayo inuu xalliyo mushkiladaha kooxda haysta si ay u hiigsan karaan guulo.

Advertisements

Niyad-samaantii qolka labbiska oo uu soo celiyo iyo inuu ciyaartooyo kale kusoo kordhiyo Manchester United ayaa noqon doonta shaqooyinka hor yaalla Ten Hag oo dhinaca kalena sii macasalaamaynaya Jesse Lingard, Paul Pogba, Nemanja Matic iyo Edinson Cavani.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada